Warar Rasmi ah oo Puntlandi ka helay illo dublamaasiyadeed ayaa xaqiijinaya in Madaxweyne Xasan Cadaadis xoogan lagu saaray inuu ka boodo baarlamaanka oo isagu soo saaro Wareegto lagu meelmarinayo Heshiiskii Doorashada oo aan waxba laga badalin.
Madaxweyne Xasan Wuxuu tan iyo Shalay ku mashquulsanaa inuu Puntland ka dhaadhiciyo in Muqdisho lasiiyo 4 kursi Aqalka Sare,tasoo guul daro ku dhamaatey.
Raysal wasaare Sharmaake iyo Madaxweyne Gaas ayaa Go’aan adag ku dhegay oo ah in aan hal qodob wax laga badalin Heshiisyadii horey loo gaarey iyadoo Madaxweyne Gaas uu Ku eedeeyey Madaxweyne Xasan in Waxa uu hada u raadinayo Muqdisho uu isagu awal diidey kadib markii ay Puntland dhowr jeer soo jeedisay in wax lagu qaybsado qaab gobol oo muqdisho kamid ahayd.
Wararka aan helayno waxay sheegayaan in Dowlada Itoobiya oo si gaara damaanad uga ahayd meel marinta heshiiska ay Xalay soo faragaliyeen, Iyadoo Madaxweyne Xasan ay siiyeen 24 saac inuu ku meel mariyo Waxyaabihii lagu heshiiyey iyo in laga boodo Baarlamaanka Xiligoodu dhamaadka yahay.
Waxaa hada lagu wadaa in Madaxweynuhu uu soo saari doono Wareegto uu ku ansixinayo Heshiiskii Garowe 2016 iyo kii madasha Qaran uuna ku kala dirayo Baarlamaanka.
Puntlandi.com
Muqdisho