Garowe– 9 sep.2013–Pi–Warar hoose oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Madaxweynaha Dowlada Federaalka Xasan Sheikh Maxamuud uu qorsheynayay inuu booqdo Xaafada Baraxley ee Magaalada gaalkacyo balse waxaa hor istaagey Dowlada Puntland inuu Madaxweyne Xasan Sheikh kasoo Dego Garoonka Diyaaradaha ee Abdullaahi Yusuf International.
Warar Dublamaasiyadeed ee Puntlandi heleen ayaa sheegaya in laga war heley in uu Xasan Sheikh qorsheynayay inuu kasoo dego Gaalkacyo isagoo gabaad kasoo dhigtey Siyaasiyiin Reer Puntland ah, balse dhinaca Dowlada Puntland ayaa amar ku bixisey inuusan Madaxweynuhu uusan Imaan karin Gaalkacyo.
Taliska Amisom ee Magaalada Muqdisho ayaana Villa Soomaaliya ku war galiyey in dowlada Puntland ay hor istaagtey in uu Madaxweynuhu kasoo dego Deegaan ka tirsan Puntland, Amisom waxay Villa Soomaaliya u shegeen ineysan Qaban qaabin karin safarka Madaxweynaha ee Gaalkacyo maadaama aysan ogolaansho ka heysan Puntland.
Wararkaan oo siyaabo kala duwan ay Puntlandi u heleen ayaa sheegaya in Madaxweyne Xasan Sheikh uu qorsheynayay inuu Gaalkacyo maalin joogo ka dibna uu u gudbo dhinaca Galmudug.
Dhinaca Villa Soomaaliya oo aan la xiriirney si aan Wax uga waydiino safarka Madaxweynaha laga hor istaagey way ka gaabsadeen iney nala hadlaan.
Puntlandi.com
Garowe