Galabta oo khamiis ah 17 maarso 2016 ayaa Ciidanku si buuxa waxay usoo afjareen Howlgalkii kowaad ee Togga Suuj kasoo bilowday shalay subax, Howlgalkaan Ciidanku si buuxda ayay usoo afmeyreen, iyadoo aan illaa hadda Wax tafaasiil ah aan laga bixin say Wax u dheceen, Gabi ahaan waa la adkeeyay in macluumaadka howlgalkaas la helo, cidii Wax ka sheegtana been ayay sheegeen, Waxaa badan hadalada ku tiri kuteenka ah iyo Warar suuqeedka laakiin Howlwadeenada Puntlandi waxay xogaha Rasmiga ah ku hayaan in Howlgalkii labaad uu bilowday galabta Afartii galabnimo ka dib markii Ciidankii Howlgalka kowaad ee Jiida Suuj ay sheegeen in Holgalka labaad la bilaabi karo, oo kii kowaad guul kusoo dhamaadey.
Sargaal galabta la hadley Puntlandi wuxuu noo xaqiijiyey in Ciidamadii ku sugnaa nawaaxiga Godob Jiiraan ee ku hareersanaa Maleeshiyaadka Al-shabaab qaybtoodii labaad in iyana ay bilaabeen Howlgalka(Dagaalka),wuuna ka gaabsadey nooca ay u bilaabeen Dagaalka, Dagaalkaas wuxuu socdey ku dhowaad saddex saac, Makhribadii ka dibna Rasaastu way istaagtey, Isbitaal Deg deg ah oo laga sameeyey Deegaankaas (Mobil Hospital) ayaa goor makhribadii ah waxaa la keeney 7 Askari oo dhawac ah.
Wararka Rasmiga ah ee Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Weerarka labaad ee Galabta lagu qaadey Al-shaabaabka intii harsaneyd uu ahaa mid Qorsheysan oo lala sugayay inta lasoo afjarayo weerarkii Suuj, Wariyaha Puntlandi ee Gaalkacyo oo iminka ku sugan deegaankaas wuxuu kusoo waramayaa in Holwgalka Galabta bilowdey uu isna gabaabsi yahay, wuxuu sheegey in Ciidanka Dagaalka galay mooyee Ciidanka ku sugnaa Xeebta aysan Wali Wax Dagaal ah galin waayo Ciidankii Galabta Galay Dagaalka ayaa u muuqda kuwo ku filaadey Howshooda.
Puntland waxay u qabatay howlgalkaan 72 Saac oo ku eg Sabtida kana bilowdey markii ay Ciidanku xabadii u horeysay ay rideen oo ahayd Arbacadii 9-kii subaxnimo,lakiin hada xaalku wuxuu u muuqdaa in wakhtigaas ka yar ay Ciidanku kusoo gabagabeeyeen howlgalkooda.
Saraakiisha Ciidanka oo aan waxka waydiiney Sababta loogu diidey Saxaafada iney arkaan dhawacyada, Maxaabiista iyo Meydadka Al-shabaab waxay noogu jawaabeen, Puntland Argagixisada sharci baa uga yaal ee soo akhrista sharcigaas?
Puntland iyadoon Wax gacan ah ka helin Wadamada dariska, Beesha caalamka iyo Soomaalida kale ayay si Qorsheysan oo fudud u maareeyeen Al-shabaabkii sharci darada kusoo galey Puntland.
Waxaa Xusid mudan in Shacabka Puntland ee ku sugan Deegaanada Dagaalku ka socdey ay tan iyo shalay ku mashquulsanaayeen Taakulaynta dhanka Cunatada ee Ciidanka, aad ayay Ciidanku arRintaas ugu farxeen, Waxayna Talisyada Ciidanku ka sameysteen aagagaas kusoo harqiyeen Xoolo Nool, Hilib iyo Cunnooyin kale.
Wasiirka Warfaafinta Maxamuud Xasan Soo’Cade oo Puntlandi waxka waydiiyeen howlgalku siduu u socdo wuxuu Yiri “Adeerayaal caawa ama beri subax Ayaan Saxaafada usoo bandhigeynaa say Wax u dheceen,”, hadalka Wasiirku waxaa laga dheehanayay guusha ay gaareen iyo inuu sugayo in gabi ahaan howlgalka lasoo afjarao saacadaha soo socda,oo uusan ka hordhacayn.
Sida Wasiirkuba sheegey Caawa ama Beri oo jamce ah ayay Dowladu soo bandhigayaan Natiijada Howlgalka Sifeynta Xeebaha.
Afka Duuubte Diinta sheegta dadka Laaya Dooni Mayno,Dagaal ooge dhiiga dadka ku dawooba wax gumaada dooni mayno hoos Ka Dhagayso;-
Puntlandi.com
Eyl/Garacad.