Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

WAR DEG DEG:– Tartanka Qandaraaska Garoonka Diyaaradda Bosaaso oo la soo bandhigey

$
0
0

Hay’ada Qaramada Midoobey U qaabilsan Qandaeaasyada (The United Nations Office for Project Services (UNOPS) oo qaabilsan iney keento Shirkad caalami ah oo dhista Garoonka Diyaaradaha Bosaso ayaa maanta soo bandhigtey Ogaysiiska Tartanka Shirkadaha daneynnaya iney Garoonka Diyaaradaha Bosaso ay dhisaan.

Garoonkaan ayaa qandaraaska hay’ada UNOPS ku sheegtey in uu furaan doona ilaa iyo bisha Oct 7, 2013 halkaasoo isla dhamaadka bishaas lagu dhawaaqi doono shirkadi ku guuleysatey dhismaha garoonka caalamiga ah ee Bosaso.

Kulankii bilowgii bishaan ku dhex maray Nairobi Madaxweynaha Puntland Dr Faroole iyo Wasiir ku xigeenka Arimaha dibada Talyaaniga ayaa lagu kala saxiixdey heshiis dhigaya in Dowlada Talyaanigu ay ka qayb qaadaneyso dhismayaasha Garoomada Diyaaradaha Bosaso iyo Gaalkacyo.

Talyaniga iyo Puntland waxay howsha u xilsaareen iney ka qayb qaataan Qaramada Midoobey si loo helo shirkad Caalami ah oo shaqadaas kasoo bixi karta.

Dowlada Talyaanigu waxay balan qaadeen iney Puntlabd ka caawinayaan iney dhameystiraan Kharashka ku baxaya Garoomadaan iyadoo Puntland ay soo ban dhigtey Kharashka ay u hayaan dhismaha Garoomadaan iyo inta ka dhiman.

Warar hoose oo Puntlandi heleen Dowlada Talyaaigu waxay balan qaadeen iney Garoonka Diyaaradaha Bosaso ay ka dhigayaan Garoonka ugu Casrisan Soomaaliya.

Halkaan riix si aad u akhrisid Links UNOPS

Puntlandi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles