Dowlada Puntland ayaa warcad kasoo saartay Mowqifkeeda ku aadanaa Shirkii Madasha wada tashiga Qaranka ee lagu qabtay Magaalada Kismaayo ee Jubbaland mudadii u dhaxaysay 10kii ilaa 10 janaayo 2016, Shirkasoo ujeedadiisu ahayd in go’aan laga gaaro qaabka loo maryo doorashooyinka iyo dhismaha labada Aqal, Aqalka Sare iyo Aqaæka hoose, iyo sidoo kale Roadmapka Siyaasadeed ee mudada 2016 ilaa 2020.
Puntland ayaa sheegtay in natiija la’aanta Shirkaas ay sabab u ahaayeen damaca waalida ah iyo garowshiyo la’aanta Siyaasadeed ee Madaxda Soomaalida qaarkood.
Puntland waxay sheegtay iney juhdi badan ku bixisay dabacsanaan badana muujisay si Umada Soomaaliyeed ay uga baxdo Marxalada adag ee kala guurka, laakiin nasiib daro waxaa taas ka hor yimid oo wax wada shaqayn ah laga waayay qaar ka mid ah Hogaamiyayaasha Soomaalida oo dantooda shaqsiga ah ka hor mariyey Danta Qaranka.
Puntland waxay marka kale Bulshada Soomaaliyeed iyo Bulshada Caalamka u sheegayaan in Aragtidoodu ay tahay.
- In Aqka hoose ee Naarlamaanka lagu saleeyo Qaab Deegaan oo ku salaysan Dagmooyinkii jiray wixii ka horeeyey 1991-dii.
- In Aqalka Sare lagu saleeyo 18 kii Gobol ee Dalka ee ka horeeyey1991-dii.
Ugu dambeyntii waxay Puntland ka digtay in Dalka dib loogu celiyo qalalaasihii Siyaasadeed ee Dalka horay u baa bi’iyay, Sidoo kale Puntland ayaa ugu baaqday dhamaan hogaamiyayaasha Soomaalida inay muujiyaan bisayl Siyaasadeed, markaasna Si midaysan oo wada jir ah loo waajibo Xalinta khilaafaaka jira, Isla markaana waxay Puntland ka digeen in la qaado talaabo kasta oo aan lagu mideysneyn,taas oo wiiqaysa maslaxada ummada Somaaliyeed.
Warqada oo Puntlandi ka helay ka akhriso hoos
HOOS KA EEG WARQADA
Puntlandi.Com
Garowe