Warar rasmi ah oo howlwadeenada Puntlandi heleen ayaa sheegaya in Wasiirka Arimaha Dibbada Itoobiya Dr.Tedros uu Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh ka dalbaday inuu si deg deg ku yimaado Magaalada Baydhabo.
Yeeri taanka Madaxweyne Xasan Sheekh ee Baydhabo ayaa la soo werinayaa in ay Salka ku hayso hadalkii shalay ka soo baxay kulankii Madaxda Federaalka Somaaliyee iyo Beesha Caalamka Muqdisho ku dhex maray.
Kulankaas shalay ayaa looga hadlay Fashilkii ku dhacay shirkii Kismaayo, oo ay u muuqato in beesha caalamka iyo weliba Wasiirka Arimaha Dibada Itoobiya uusan ku qanacsaneyn sidii Madaxweyne Xasan Sheekh u maamulay
Dr.Tedros Iyo Xasan Sheikh ayaa waxaa maanta Baydhabo ku dhex maray kulan albaabda laysu xirtay,oo qaatey mudo dhan 30 daqiiqo ah.
Madaxwayne Xasan Sheekh oo hore uga cagajiiday in uu 10 bishan yimaado magaalada Kismaayo,waqtigaas oo uu ku sugnaa Wasiirka Arimaha Dibada Ee Ethiopia,ayaa imaanshihiisa maanta ee Baydhabo ayey ka muuqataa dhaqankii lagu yaqaanay hogaamiyaayasha Soomalida ee ahaa in ay si goon gooni ah isku dacweyaan,uguna kala dhuuntaan la kulanka madaxda Dawlada Ethiopia
Puntlandi.com
Muqdisho