Garowe–3 Sep.2013–Puntlandi–Dowlada Puntland ee Soomaaliya ayaa maanta cambaareysey Weerarkii gaadmada ahaa ee lagu qaadey Madaxweynaha Dowlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh xili uu u socdey Magaalada Marka, waxayna Dowlada Puntland falkaas ku tilmaantey mid Argagixiso, Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlada Puntland ayaa u qoran Sidaan hoose.
Dowlada Puntland ee Soomaaliya
War Saxaafadeed
3 September 2013
Warsaxaafadeedka kala deg halkaan
Dowladda Puntland waxay si wayn u cambaaraynaysaa weerarkii lagu qaaday kolonyo gadiid ah oo galbinaysay Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Shiikh Maxamud oo safar dhulka ah ku aaday magaalada Marka. Shacabka iyo Dowladda Puntland waxay u tacsiyaynayaan Dowladda Federaalka iyo ehelladii dadkii ku waxyeeloobay weerarkaan waxshinimada ah oo ay ka dambeeyeen Argagaxisada Al Shabaab.
Weerarkaani waa iskuday kale oo lagu waxyeelaynayo degenaanshaha iyo nabadgelyada Soomaaliya. Himilada Puntland iyo shacabka Soomaaliya waa in laga gudbo caqabadaha hortaagan nabadgelyada dalka in si loo gaaro nabad waarta, xasilooni iyo horumar.
— DHAMMAAD —