Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Rai’sul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Puntland oo kulan yeeshay(Sawiro)

WAR SAXAAFADEED

 3 September 2013 

Sawirada Warsaxaafadeedka hoostiisa ka daawo

Rai’sul Wasaaraha dalka Ethiopia Dr. Hailemariam Desalegn ayaa maanta [Sept 3, 2013] ku qaabilay Qasriga Madaxtooyadda dalkaasi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) iyo Wafdiga Puntland oo uu ka mid yahay Wasiirka Caafimaadka Dr. Cali Cabdullahi Warsame.  Kulankani waxaa looga wada hadlay horumarinta amniga iyo dowladnimada Soomaaliya, arrimaha ku saabsan Dastuurka Federaalka Soomaaliya, iyo xiriirka u dhaxeeya Ethiopia iyo Puntland ee dhanka amniga iyo horumarinta dhaqaalaha.

Rai’sul Wasaaraha Ethiopia wuxuu hoosta ka xariiqay in Ethiopia iyo dhammaan Dowladaha Urur-Goboleedka IGAD ay taageersan yihiin in dib u dhiska iyo dib u heshiisiinta Soomaaliya lagu saleeyo Dastuurka Federaalka iyo hirgalinta nidaamka Federaalka, sida dhisida Maamullada Federaaliga ah (States).  Madaxweynaha Puntland ayaa ku ammaanay Dowladda Ethiopia doorkii ay ka ciyaartay heshiiskii magaalada Addis Ababa ku dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland Aug. 27, 2013.

Madaxweynaha Puntland wuxuu sidoo kale ka hadlay xoojinta xiriirka dhanka amniga iyo isku xirka ganacsiga iyo dhaqaalaha si Mandaqaddu u hormarto.  Wafdiga Puntland oo uu hogaaminayo Madaxweyne Farole ayaa soo gaaray magaalada Addis Ababa Sept. 2, 2013, iyadoo xalay uu casho sharaf u sameeyey Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr. Tedros Adhanom.

Sawirada hoos ka daawo

— DHAMMAAD —

— END –

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.
Image may be NSFW.
Clik here to view.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles