]
Kadib dagaalkii shalay wax xabad ah maanta ma aysan dhicin, Ciidamada Puntland waxay kusoo laabteen fariisamdoodii ay joogeen ka hor shalay intaan dagaalku bilaaban, waxaana taas loo sababaynayaa codsiyo kala duwan oo meelo badan ka yimid iyo Wafuud uu Raysal wasaaruhu uga tagay Garowe oo iyana soo gaaray Gaalkacyo oo dadaalo wada.
Xaalada Magaaldu aad ayay hada u degan tahay guud ahaan, Xaafada Baraxley ee galabnimadii shalay dagaalku ka dhacay iyana waa degan tahay.
Wariye madaxbaan oo ku sugan Xaafada Baraxley wuxuu Puntlandi u sheegey in ay xaafadu degan tahay, saaka barqadiina lagu arkayay dhaqdhaqaaq ciidan. gabi ahaan shacabku way ka baxeen Baraxley, sidaas awgeed khasaaraha shacabku wuu yaraa dagaalkii shalay ka dhacay xaafada dhexdeeda.
Saaka oo Axada wax xabada dhinacna kama dhicin oo aad ayay Magaaldu u degan tahay.
Wixii soo kordha kala soco Puntlandi
Puntlandi.com
Gaalkacyo