Madaxweynaha Dowlada Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sheikh Maxamed Faroole iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa maanta gaarey Magaalada Addis Ababa, waxaana Garoonka Diyaaradaha kusoo dhaweyey saraakiil ka tirsan Wasaarada Arimaha dibada Itoobiya.
Madaxweyne Faroole waxaa weheliya Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr. Cali Cabdullahi Warsame iyo saraakiil ka tirsan Madaxtooyada, Madaxweynuhu wuxuu casumaad rasmi ah ka heley Dowlada Itoobiya, wuxuuna joogayaa halkaas dhowr maalmood.