Safiirka Dalka Holland u jooga Kenya Mr. Franciscur Albrecht Makken ayaa loo magacaabay inuu Dalkiisa u matalo macaal Soomaaliya tasoo macneheedu yahay in Dalka Holland uu hal safiir u matalo Lanada Dal ee Krnya iyo Soomaaliya. fadhigiisuna sii ahaado Nairobi balse.
Franciscur Albrecht Makken ayaa bishii Septembar waxaa loo magacaabay Safiirka Holland u jooga Kenya bishaan Oktoobarna waxaa loogu daray Soomaaliya inuu Safiirka Holland u jooga uu noqdo.
Shalay ayaa Madaxweyne Xasan Sheikh uu ka gudoomay waraaqaha aqoo siga Safiirnimada, Waxaana munaasabada goob joog ahaa oo Safiirka soo dhaweeyey Wasiir ku xigeenka Arrimaha Dibedda DF Soomaaliya Ahmed Ali Kadiye.
Holland waxay ka mid tahay Dalalka Midowga Yurub ee aadka u daneeya Arimaha Soomaaliya waxayna Soomaaliya ka caawiyaan Waxyaabo badan.
Puntlandi.com
Nairobi