Wasiirka Arimaha Gudaha ee Maamulka Xasan Sheekh mudane Cabdiraxmaan Odowaa ayaa gabagabadii kulankii shalay ee shirkii hawada beenta ah sannadka 2016 ergooyinkii shirka u soo bandhigay qoraal qarsoodi ah, oo mudo hore ay diyaariyeen kaadiriinta ururka damul-jadiid iyo xulufadooda siyaasadeed ee kooxda Gurmad,qoraalkaas ayaa si cad u qeexaya hanaanka iyo hab raaca siyaasadeed,sharci iyo dhaqan-dhaqaale ee loo marayo kulamada iyo shirarka looga xaajoonayo isbadalada siyaasadeed ee dalka la rabo in laga hirgaliyo xiliga kalaguurka ee hawada beenta ah ee 2016.
Qoraalkan oo tilmaamaya hanaanka iyo habraaca loo marayo doorashooyinka dalka ka dhacaya sannadka 2016 ayaa ah mid yeeris iyo jujuub ah,isla markaana aan wax tixgalin iyo la tashi ah lagala sameyn maamulada dalka ka jira oo uu ugu horeeyo midka Dawlada Puntland.
Habraacan ayaa lagu sheegay in dhamaan gudiyada farsamo iyo kuwa loo bixiyey Task Force ay labduba hoos iman donaan wasiirka arimaha gudaha,sidoo kalena dhamaan shirarku ay ka dhici donaan magaalada Muqdisho,xitaa waxaa la xusay,oo la sii diyaariyey shirar been abuur ah oo loo qabanyo qurba joogta ( dib u xusuuso shir ku sheegii qurbo joogto somaaliyeed ee Istanbul 2012,kaas oo beesha muqdisho loo qabtay )
Qoraalkan uu wasiir Odowaa soo bandhigay ayaa si cad u muujinaya in kooxda mayalka adag ee Xasan Sheekh ku guuleysteen in ay afduubaan masiirkii ummada Soomaliyeed.
Sida ay shegeen goobjoogayaashii shirku,waxaa shaashadaha layska arko ee TV -yada ka soo muuqday ergadii Puntland oo shirka u qaabilsanaa hawlaha madadaalada iyo maaweelada,kuna soo bandhigay maadeyska caanka noqday ee ( Caadi iska dhig )
Halkan ka akhri qoraalka wasiirka
MADASHA WADATASHIGA QARANKA SOOMAALIYEED EE HANAANKA DOORASHADA SANNADKA 2016
TILMAAMAHA HABRAACA
HORDHAC:
Iyadoo la eegayo xaaladda ka jirta Soomaaliya, ayaa Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalkaba si wadajir ah ugu dhawaaqeen, 28kii bishii Luulyo 2015 in doorasho qof iyo codkiisa ah aanay ka dhici karin, sida ku cad Dastuurka Federaalka Ku-Meelgaarka ah.
Madaxweynaha, Xukuumadda, Barlamaanka iyo madaxda Dawlad Goboleedyada, Maaamul Gobollada ku-meel-gaarka ah iyo bulshada rayidka ayaa isku raacay Mabaadi’ Tilmaameed ee lagu ansaxiyay shirkii Madasha Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacay magaalada Muqdisho 28-30 bishii Luulyo 2015. Mabaadi’da Tilmaadeedkaas oo ujeedaddeedu tahay in geeddi socodka doorashada sannadka 2016 uu soo bandhigo hab sharcinimadiisu sarreyso iyadoo loo marayo hab salballaaran, oo ku saleysan geedd-socod loo dhanyahay, kaas oo wada metelaya bulshada Soomaaliyeed.
Habka wadatashiga ah wuxuu u ogolaanayaa dadka Soomaaliyeed fursad ay si wadajir ah ugu fekeraan uguna gaaraan go’aan ay u wada dhan yihiin oa khuseeya sidii qadan lahaa doorashada 2016ka. Geeddi-socodkan waxaa loo qaabeeyay in uu ahaado mid loo dhan yahay oo isu keenaya aragtiyo kala geddisan oo ka imanaya dhammaan qaybaha ay ka kooban tahay bulshada Soomaaliyeed. Iyadoo la eegayo Hiigsiga Cusub iyo Aragtiga 2016 oo dhiiri gelinaya ka wada qaybgalka, waxaa muhiim ah in ay geeddi-socodka ka qaybgalaan haweenka, dhallinyarada iyo dadka laga tirada badan yahay. Talooyinka ka soo baxa waxay ka tarjumayaan danta iyo
dareenka dad Soomaaliyeed. Taasoo ku saleysan sidii lagu heli lahaa ka qaybgal siyaasadeed ee loo wada dhan yahay, ka dibna lagu dhiso bulsh nabad ah.
CUTUBKA KOOWAAD:
Mabaadi’da Wax Hagta
Geedi-socodka Doorashada Sannadka 2016ka…
1. Waa in uu muujiyo“sharciyad sarreysa” oo loo maray hannaan ballaaran oo loo wada dhanyahay oo ay isla ogolaadeen Dawlad Gobaleedyada Xubnaha ah ee hadda jiro iyo kuwa samaysmaya, waana inuu xaqiijiyo natiijo ay iska dhex aragto bulshada Soomaaliyeed ee manta (dadka iyo deegaanka intaba) ayadoo xubnaha bulshaduna ay ku heshiiyeen hab-raac cad oo ay isla meel dhigeen.
2. Waa in uu la jaan-qaado dar-dar gelinta Dastuurka Federaalka Kumeelgaarka.
3. Waa in uu kor u qaado oo uu xaqiijiyo ka-qayb qaadashada haweenka iyo dadka laga tirada badanyahay.
4. Waa in uu dhiiri-geliyaa ka-qayb qaadashada axsaabta siyaasadeed hadba heerka uu u ogolaanayo nidaamka Axsaabta Siyaasadeed.
5. Waa inuu kor u qaadaa midnimo qaran, ilaa iyo intii suurto gal ahna, uu hanaan midaysan (ka hir-geliyaa) dhamaan gobolada.
6. Waa in uu noqdaa mid xaqiiqada ku qotoma marka loo eego dhaqaalaha la heli karo, tayada farsamo, iyo amniga.
7. Waa in uu noqdaa mid daah furan, isla xisaabtan leh oo kor u qaada kalsoonida dadweynaha.
8. Waa inuu xambaarsanyahay hanaan ku haboon oo loo marikaro cabashooyinka iyo dacwadaha.
9. Waa in uu si buuxdo u tixgeliyaa sida loo doonayo in Baarlamaanka Federaalka Soomaaliyeed uu u noqdo mid ka turjumaya oo u taagan midnimada dhulka Soomaaliya.
10. Waa in aysan wax yeello ka imaanin, sida dhiri-gelinta dhaq-dhaqaayo ay ka dhalan karaan hurinta colaado ama wiiqid la wiiqayo horumarada ilaa iyo hadda laga gaaray geedi-socodka dimoqoraadiyaynta iyo dhismaha dowladda.
CUTUBKA LABAAD:
Waajibaadka Shaqo
Habdhismeedka Madasha Wadatashiga
HORDHAC
In la qabto doorasho sannadka 2016 waxay si cad ugu qeexantahay Dastuurka Federaalka Ku meel gaarka ah ee Soomaaliya. Aragtida Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku saleysan Hiigsiga 2016 ayaa si cad u qeexaysa baahida loo qabo in la helo hab lagu kalsoonaan/aamini karo oo awoodda xukunka lagu wareejiyo sannadka 2016, waana arrin mudnaan sare leh. Muddadii afarta sanno ahayd ee uu Dastuurku siiyay Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay ku eg tahay bisha Agoosto 2016. Iyadoo laga ambaqaadayo wadatashigii loo wada dhammaa ee la yeeshay Baarlamaanka Federaalka, Dowlad Goboleedyada, Bulshada Rayidka
ayay Dowladdu ku dhawaaqday in doorasho ku saleysan qof iyo codkiisa ayna suurtagal ahayn sannadka 2016.
Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ka go’an in ay u hawlgasho sidii lagu gaari lahaa hannaan dimuqraadi ah ee loo wada dhan yahay iyo sidii si daahfuran awoodda lay sugu wareejin lahaa sannadka 2016. Sidaas darteed, Dowladda Federaalka Soomaaliyeed oo ay weheliyaan hay’adaha kale ee Dastuurku waajibaadka siiyay ayaa soo bandhigay Mabaadi’ Hagaysa habraaca doorashada 2016. Kaa soo lagu ansaxiyay Madashii Iskaashiga ee Heerka Sare ee ka dhacday Muqdisho inta u dhexeysay 29-30 Luulyo 2015. Qorshe Hawleedkan oo ku saleysan Mabaadi’ Tilmaameed ku saabsan sidii lagu qaban lahaa hannaan wadatashi qaran, oo si is afgarad go’aan loogu gaarayo habka ugu habboon ee doorasho loo qaban lahaa sannadka 2016. Siyaasadda Dowladdu waxay sidoo kale ku qotontaa heshiiskii dhexmaray Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Baarlamaanka Federaalka 28kii bishii Luulyo 2015 iyo wadatashiyadii ay la yeelatay Dawlad Goboleedyada oo markii dambena lala wadaagay beesha caalamka.
Si loo gaaro hab is afgarad ee shaqeyn kara, geeddi-socodka wadatashiga qaran waxaa loogu talagay inuu ahaado mid leh marxalado badan, lehna ka qaybgal loo wada dhan yahay oo ka kooban shirar wadatashi oo ay ka qayb qaadanayaan dhammaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed oo marka u dambeysana lagu gaarayo heshiis ku saleysan wadahadal siyaasadeed iyo is afgarad. Natiijada ka soo baxda wadatashiyadan iyo habraaca lagu heshiiyo ee ku saabsan hannaanka doorashada sannadka 2016 waxaa lagu soo saari doonaa xeerarka lagama maarmaanka ah oo ay soo saari doonaan hay’adaha Soomaaliyeed ee ay khuseyso.
QAAB DHISMEEDKA KORMEERKA IYO HIRGELINTA
Si loo hirgeliyo habka wadatashiga, waxaa la qaadi doonaa tallaabooyinka soo socda ee dhanka siyaasadda, habraaca, iyo maamulka si ay uga soo baxaan kaalin iskaabta ee kormeerka iyo hirgelintaba.
Madasha Wadatashiga Qaranka
Madasha Wadatashiga Qaranka (MWQ) wuxuu ahaan doonaa hay’ad go’aan qaadasho oo loo wada dhanyahay wuxuuna ka koobnaan doonaa laamaha Fulinta iyo Sharci Dejinta ee Dowladda Federallka Soomaaliya, Dowlad Goboleedyada, iyo Bulshada Rayidka ah. Madasha (MWQ) waxay go’aan ku gaari doontaa habka ugu habboon ee loo qabanayo doorashada sannadka 2016, waxayna guddoomin doontaa geeddi socodka la raacayo ilaa iyo doorashada lagu gaarayo awoodda sannadka 2016. Taasoo ku saleysan mabda’a is afgaradka (concensus). Arrimaha lagu xallin waayo Madasha (MWQ) waxaa loo gudbin doonaa Madasha Hoggaanka Qaranka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisal Wasaaraha, si looga yeesho dood dheeraad ah.
Si loo xaqiijiyo in loo wada dhammaado sharcina uu u noqdo geeddi socodka iyo natiijada ka soo baxaysaba, madashu waxay ka koobnaan doontaa: Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha, Guddoomiyaha Baarlamaanka, Madaxweynayaasha Dowladaha Goboleedyada ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo Bulshada Rayidka. Waxaa muhimad gaar ah leh sidii lagu heli lahaa wakiillo metela haweenka, beelaha Somaliland, iyo dadka laga tirada badan yahay oo tiradoodu u dhiganto inta ay bulshada ka yihiin.
Koox ka tirsan Bulshada Caalamka ayna garwadeen ka tahay Qaramada Midoobay, ayaa kulanka goobjoog ka ahaanaya si ay u la socdaan, waxayna taageeraayaan Madasha Wadatashiga Qaranka, haddii loo baahdana waxay gelayaan dhexdhexaadin toos ah.
GUDDI HAWLEEDKA (TASK FORCE) MADASHA WADATASHIGA QARANKA
Si loo taageero hawsha Madasha Wadatashiga Qaranka, waxaa la sameeyey Guddi Hawleed (Task Force) ku saleysan mabda’a ah in uu ka tarjumo una hawlgalo fulinta go’aanada loo wada dhan yahay Madasha Hoggaanka Qaranka. Hawsha guddigani u xil saaranyahay waxay isugu jirtaa inuu taageero, talana siiyo Madasha Wadatashiga Qaranka, xaqiijinayana sidii lagu hirgelin lahaa geedi socodka wadatashiga.
Guddigan wuxuu hoos imanayaa Ra’iisal Wasaaraha, waxaanna garwadeen ka ah Wasiirka Arrimaha Gudaha iyo Federaalka. Guddigu wuxuu ka kooban yahay Wasiiradda Cadaaladda ee heer federal, Arrimaha Dastuurka, Warfaafinta, Haweenka iyo Horumarinta Xuquuqul Insaanka iyo labo wasiir oo ka socda mid kasta oo ka mid ah Dowlad Goboleedyada Federallka, iyo hal wakiil oo ka socda Xafiiska Madaxweynaha, Ra’iisul Wasaaraha iyo 3 xildhibaan ka socda Baarlamaanka.
Doorka iyo mas’uuliyadda Guddiga (Task Force)
* Wuxuu hannanayaa hirgelinta dhabta ah ee go’aanada lagu gaaro Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuu kormeerayaa habsami u socodka wadatashiyada habaysan ee ku cad Qorshe Hawleedka Madasha .
* Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uga hirgeli lahaa gobollada oo dhan si isku mid ah oo loo wada dhan yahay.
* Wuxuu fududeynayaa iskudubaridka xiriirka siyaasadeed ee ka dhexeeya xubnaha Madasha Wadatashiga Qaranka.
* Wuxuu bixinayaa talo istiraatijiyadeed, hagid siyaasadeed, sidoo kalena wuxuu taageerayaa Guddiga Taageerada Farsamo (TST) si loo xaqiijiyo in geeddi socodka wadatashigu uu ahaado mid loo wada dhan yahay, oo daahfuran.
* Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uu ahaado mid is waafaqsan laguna fuliyo waqtigii loogu tala galay.
* Wuxuu warbixin joogta ah oo waqtiyaysan ka keenayaa geeddi socodka una soo gudbinayaa Madasha.
* Wuxuu Madasha u soo diyaarinayaa sidii lagu ansaxin lahaa Tilmaamaha Habraaca Fududeynta (Facilitation Guide).
* Wuxuu raadinayaa dhaqaalihii/kharashkii lagu hirgelin lahaa Qorshe Hawleedka.
* Wuxuu wadatashi toos ah la yeelanayaa dhamman dadka ay arrintu khuseyso ee jooga gobol walba, si loo hormariyo la xiriirka dadweynaha iyo sharcinimada Madasha Wadatashiga Qaranka.
Guddiga Taageerada Farsamo (TST)
Guddiga Taageerada Farsamo (Technichal Support Team) oo ay garwadeen ka tahay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka waxay mas’uuliyad ka saarantahay laba arrimood oo kala ah; a) taageeridda Madasha Wadatashiga Qaranka ((MWQ)) iyo Guddi Hawleedka (Task Force), b) wuxuuna xaqiijinayaa arrimaha farsamo ee la xiriira Madasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa arrimahaas. Guddigan wuxuu ahaanayaa midka ugu weyn ee talo
farsamo siiya Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka, wuxuuna hagid farsamo iyo talo siyaasadeed u fidinayaa Guddi Hawleedka, haddii uu soo codsado, wuxuu soo saarayaa warbixino, qoraallo hordhac ah, wuxuuna bixinayaa taageero la xiriirta sidii loo habayn lahaa Tilmaamaha Habraaca Fududeynta. Guddiga Taageerada Farsamo (TST) wuxuu ka qaybqaadanayaa doodaha siyaasadeed iyo wadahadalka guud ee dadweynaha ee la xiriira geeddi socodka doorashada sannadka 2016.
Guddiga Taageerada Farsamo (TST) wuxuu kaloo Madasha u fududeynaya xiriirka ay la yeelanayso Dowlad Goboleedyada. Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyada lagu la xiriiro dadweynaha iyo istiraatijiyadda isgaarsiinta. Guddiga Taageerada Farsamo (TST) wuxuu ka kooban yahay hawlwadeenno ka socda Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka, Xafiiska Madaxweynaha, Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha, labo xildhibaan oo ka socda Barlamaanka iyo wakiillo ka socda Dowlad Goboleedyada Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka (hal wakiil midkiiba) iyo koox xeeldheerayaal ah oo ka kooban la taliyeyaal farsamo iyo la taliyaal kale oo ka imanaya Qaramada Midoobay kuwaasoo ahna khubaro iyo fududeeyeyaal.
Doorka iyo mas’uuliyadda Guddiga (TST)
* Wuxuu xaqiijinayaa habsami u socodka hogaanka guud ee farsamo iyo maareynta dhanka farsamo iyo sidii lagu hirgelin lahaa hawlaha geeddi socodka wadatashiga.
* Wuxuu la tashanayaa dhammaan daneeyeyaasha ay arrintu khuseyso si loo ogaado danahooda, rabitaankooda/kartidooda ku aaddan ka qaybgalkooda, si uu talo u siiyo Guddi Hawleedka (Task Force) iyo Madasha Wadatashiga Qaranka ((MWQ)).
* Wuxuu maareynayaa guddiyada farsamo, xirfadlayaasha, iyo hawlwadeenada maamulka.
* Wuxuu diyaarinayaa barnaamijyo iyo qorshe hawleedyo, wuxuu go’aaminayaa hawlaha loo baahan yahay, wuxuu sheegayaa arrimaha mudnaanta leh, wuxuuna xaqiijinayaa hirgelinta barnaamijka.
* Wuxuu la yeelanayaa xiriir shaqo oo joogta ah xogtana la wadaagayaa Guddi Hawleedka Madasha Watashiga Qaran.
* Wuxuu xaqiijinayaa sidii taageero siyaasadeed iyo mid maaliyadeedba loogu heli lahaa in geeddi socdka wadatashiga laga hirgeliyo dhammaan gobollada dalka, wuxuuna xaqiijinayaa in ka qaybgalka geeddi socodka uu ahaado mid loo dhan yahay oo habboon.
* Wuxuu shir u diyaarinayaa xubnaha Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka si ay ugu heshiiyaan mowduucyada/arrimaha laga doodayo iyo agendaha geeddi socodka wadatashiga, wuxuuna fududeynayaa doodaha shirka.
* Wuxuu faahfaahinayaa Qorshe Hawleedka, wuxuuna guddiyada shaqeynaya ku kaalmeynayaa sidii ay xog uga heli lahaayeen mowduucyada qaarkood (waxay raadinayaan taageerada deeq bixiyeyaasha iyo dowladda si loo helo kaalmo farsamo marka loo baahdo).
* Wuxuu xaqiijinayaa in geeddi socodka wadatashiga uu u socdo sidii loo qorsheeyay, wuxuuna xogta u gudbinayaa wixii fikrado ah oo uu soo ururiyo Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka.
* Wuxuu diyaarinayaa warbixino ku saabsan hormarka la gaaray toddobaad walba, wuxuuna u gudbinayaa Guddi Hawleedka Madasha Wadatashiga Qaranka iyo daneeyeyaasha kale ee ay arrintu khuseyso (sida deeqbixiyeyaasha iyo saxiibada dhiggooda ah), iyo wixii kaloo warbixin ah ee loo baahdo sida warbixinta la siiyo warbaahinta.
* Wuxuu qorayaa maqaallo iyo hadallo la jeediyo iyo khudbado, wuxuuna u qorayaa Guddi Hawleedka iyo Madasha Wadatashiga Qaranka si dadweynaha loogu wargeliyo wixii horumar ah ee laga gaaray geeddi socodka wadtashiga.
* Wuxuu xaqiijinayaa sidii dhaqaale loogu heli lahaa xoghaynta iyo guud ahaan geeddi socodka wadatashiga.
* Wuxuu diyaarinayaa qorshe ku aaddan sidii kaalmo saad iyo farsamo loo heli lahaa.
* Wuxuu maamulayaa dhaqaalaha/kharashka ku baxaya, wuxuuna mas’uul ka yahay sidii lagu heli lahaa isla xisaabtan, daahfurnaan iyo wax qabadka shaqaalaha maamulka iyo barnaamijkaba
CUTUBKA SADDEXAAD:
Geeddi socodka wadatashiga iyo hababka kala geddisan ee doorashada:
Tilmaamahan Habraaca Fududeynta (Facilitation Guide) ma aha mid soo wada koobaya ama qeexaya wixii habab doorasho iyo fikrado ah ee ilaa hadda la soo gudbiyay. Laakiinse, waxuu soo bandhigayaa afar nooc oo kala duwan oo lagu yagleeli karo Ergada Doorasha (Electoral College) (magacaabid ama soo xulid), ergadaas oo iyaduna dooran doonta Barlamaanka Federaalka. Hababka doorasho ee kala geddisan ayaa looga doodi doonaa Madasha Wadatashiga Qaranka iyo wadatashiyada gobollada.
Iyada oo la raacayo natiijada ka soo baxda wadatashiyada iyo doodaha aan soo sheegnay, ayaa waxaa la soo diyaarin doonaa tusaalooyin doorasho oo qeexan, si loogu go’aamiyo Madasha Wadatashiga Qaranka iyo sidii lagu hirgelin lahaa, iyada oo lagu saleynayo doodaha billowga ah iyo wadatashida gobollada.
Afarta siyaabo:
Waxaa la sameyn karaa Ergo Doorasho Qaran (National Electoral College) oo kala leh afar heer: heer qaran, heer dowlad goboleed (oo ka mid ah Dowladda Federaalka ha ahaadaan kuwa hadda jira ama ku sameysmi doona), ama heer degmo (92 degmo ee jiray 1991) ama hab beeleed, kuwaasoo kala ah sida soo socota:
o Ergo doorasho oo ka kooban dalka oo dhan:
Waxaa la sameynayaa Ergada Doorasha (Electoral College) oo ka kooban dalka oo dhan si ay u doortaan 275 xildhibaan. Nidaamka caynkan oo kale ah wuxuu keeni karaa in la dhiso axsaab siyaasadeed oo heer qaran ah iyada oo la raacayo nidaamka metelaadda u dhiganta ee uu xisbi kasta barlamaanka ku yeesho tiro xildhibaano ah oo u dhiganta codadka uu doorashada ka helo.
o Ergo doorasho oo heer dowlad goboleed ah:
Dowlad goboleed kasta oo xubin ka ah Dowladda Federaalka, ha ahaadeen kuwa hadda jira ama kuwa sameysmi doona, waxay sameyn doontaa ergo doorasho oo dooran doona xildhibaanada baarlamaanka oo metelaya dowlad gobeleedkooda.
o Ergo doorasho oo heer degmo ah:
Degmo walba oo ka mid ah 92dii degmo ee jirtay sannadkii 1991 ayaa sameynaysa ergo doorasho oo dooranaysa xildhibaanada baarlamaanka u metelaya degmadooda (tusaale ahaan, degmo walba waxay dooranaysaa 3 Xildhibaan, taasoo wadarta xildhibaanada baarlamaanka ka dhigaysa 276).
o Ergo doorasho oo beel ku saleysan:
Waxaa la sameynayaa ergo doorasho oo beel ku dhisan (tani waxay la mid tahay sidii wax lagu soo xulay sannadkii 2012 oo 135 odey dhaqameed ay soo xuleen xildhibaanada) laakiin tiro intaas ka ballaaran oo beelaha metelaya ayaa soo xulaya xildhibaanada metelaya beelahooda.
Qaabka ay u dhacayaan Wadatashiyadda Heerka Dawlad Goboleed
Shirarka Wadashiyada heerka Dawlad Goboleedyada jira iyo Maamuladda ku meel gaarka ah wuxuu u dhacayaa xili isku mid ah, wuxuuna soconayaa mudo labo maalmood ah, waxayna ka dhacayaan Puntland, Jubbaland, Koonfur Galbeed, Galmudug, iyo Mogadishu.
Gudiga Hawlfulinta (Task Force) ayaa qabanaya wadatashiyadda Dawlad Goboleedyadda, taasoo ay ka qaybqaadanayaa Baaralamaanka Dawlad/ Maamul Goboleedka, Odayaasha Dhaqanka, Bulshadda Rayadka ah, Hogaamiyayaasha Dhaqanka, Ganacsatadda, Haweenka iyo Dhalinyaradda.
Shirarka waxaa furaya Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda, waxayna ka koobnaan doonaan sedex fadhi oo labo maalin qaadanaya.
Kulanka Koowaad (90 daqiiqo) –Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo) –Hadalka Afhayeenka Baarlamaanka Dawlad/Maamu Goboleedka (5 daqiiqo) –Hadalka Hoggaamiyaha Dhaqanka Dawlad/Maamu Goboleedka (5 daqiiqo) –Hadalka Wakiilka Ganacstadda (5 daqiiqo) –Hadalka Wakiilka Bulshadda Rayadka ah (5 daqiiqo)
–Hadalka Wakiilka Haweenka (5 daqiiqo) –Hadalka Wakiilka Dhalinyaradda (5 daqiiqo)
— Horudhac kooban oo uu Ra’iisuwasaaraha ama Wasiirka wakiilka ka ah uga ah Gudiga Hawlfulinta (Task Force) soo jeediyo taasoo la xariirta qaababka (Models) doorasho ee la kala dooranayo iyo hab raaca dooda (30 daqiiqo)
Kulanka Labaad (soo koobid wixii dhacay maalintii hore) (180 Daqiiqo)
Dood Kooxeed: kasoo qaybgalayaasha waxaa loo qaybin doonaa kooxo (groups) si ay mid mid uga doodaan qaababka (models) iyagoo taxaya faa’iidooyinka iyo ciladaha uu qaab (model) kasta leeyahay.
Waa in la iskugu dhafaa xubnaha Dood Kooxeedka qayabaha kala duwan oo ay kasoo qaybgalayaashu ka kooban yihiin.
Koox kasta waa in uu horkacaa ruux fududeeya ah oo dooda ku haga si natiijo wax ku ool ah lagu gaaro, xoogana saara in aysan wadada ka weecan oo aysan u noqon aragtiyo isku jawaabaya.
Koox kasta waa in ay leedahay ruux wardhaca u qaada oo madasha dooda u soo gudbiya wixii ay ka doodeen oo kooban. Kulanka Sedexaad (Maalinta Labaad)(60 Daqiiqo)
Furitaanka Madasha (30 daqiiqo)
Koox kasta waa in warbixinteeda soo gudbisaa (10 daqiiqo koox kasta)
Soo gabagabaynta dooda Ra’iisuwasaaraha ama Wasirka ka wakiilka ah (30 daqiiqo).
Xiritaanka Shirka Madaxweynaha Dawlad/Maamul Goboleedka (10 daqiiqo).
Wadatashiga Qurbojoogta
Waxay ku xirnaan doontaa imkaaniyaadka dhaqaale iyo waqti, labo kulan oo London ama Minneapolis lagu kala qabto ama kulan weyne Nairobi la isku keeno wakiilada Qurbojoogta.
Waxay raacayaan qaabka wadashi ee Dawlad/Maamul Goboleed (Kulan labo maalin soconaya, oo lagu soo bandhigayo Qaababka (models) afarta ah taasoo ay soo bandhigayaan Gudiga Hawlfulinta (Task Force), waxaana xigi doona dood laga yeelanayo faa’iidooyinka iyo ciladaha qaab (model) kasta leeyahay. Ka diban kooxo la isku qaybiyo oo ay ku soo dhamaato warbixin koox kasta madal waynta u soo gudbiso laguna soo ururiyo aragtida ka soo qaybgalayaasha warbixin qoraal ah. Kulanwaynaha Labaad ee Madasha Wadatshiga Qaran (December 2015)
Waxaa la qaban doonaa usbuuca labaad ee bisha Diseembar 2015ka
Madaxweynaha ayaa furi doona. Waxaa gudoominaya Ra’iisuwasaaraha Waxay ka koobaan doontaa labo kulan (session) oo maalin socda Kulanka Koowaad –Hadalka Madaxweynaha (10 daqiiqo) — Hadalka Afhayeenka Baarlamaanka (10 daqiiqo) — Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda (10d midkiiba) —- Wakiilka Bulshadda Rayadka ah (10d)
–Hadalka Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay oo ku hadlaya magaca beesha caalamka (10 daqiiqo) –Soo jeedinta natiijadii ka soo baxday wadatashiyadii heerka Dawlad/ Maamul Goboleed , taasoo uu soo jeediyo Ra’iisuwasaaraha (30 daqiiqo) Kulanka Labaad –Madasha waxaa loo furayaa dhamaan xubnaha Madasha Wadashiga Qaran kuwaasoo aragtidooda ka dhiibanaya warbixinta talooyinka la soo ururiyey. — Hadalka soo gunaanadka Madaxweynayaasha Dawlad/Maamul Goboleedyadda (5d kiiba) —Hadalka soo gunaanadka shirka Ra’iisuwasaaraha (10d) —-Hadalka soo gunaanadka shirka UN SRSG (5d) —-Hadalka soo gunaanadka shirka Madaxweynaha (15d)
Gunaanadka
Marka la soo gabagabeeyo Wadatashiga Heer Gobol iyo Heer Federal, waxaa hannaanka doorasho ee la isku raaco sharci ku meel marin doona hay’adahafederaalka ee ay khusayso.
www.puntlandi.com.