Dalka Canada waxaa dhowaan ka dhacaya Doorashada Dowlada Dhexe ee Federaalka, Kumanaanka Soomaaliyeed ee Codkooda dhiiban kara waxaa u muhiim ah iney ka qayb qaataan doorashada oo Codkooda ay dhiibtaa.
Xisbiyada Tartama kaliya muhiim uma aha in Doorashada laga qayb qaato laakiin Dadka Codkooda dhiiban kara ayay iyana muhiimad weyn u tahay waayo codkaaga wuxuu ka qayb noqonayaa Siyaasada Dalka lagu hagayo Sanadaha Soo socda.
Daawo Video-gaan hoose hadii shaki kaaga jiri Xisbiga ama Qofka aad codkaaga siineyso.
“Haddaad Canada Joogtid soo bax oo codee,
Haddii kale waa laguu codeeyn (Tashan weydeye waa laguu talin).
Ogow hadii aad codeyn waydo markii natiijada Codka lasoo ban dhigo baad ka shalaayaysaa”