Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Fanaankii Caanka ahaa Tupac Shakuur oo la sheegey inuu nool yahay “Maraykanka waxwalba ka filo”

$
0
0

tupakDavid Meyers oo hada ah Boolis howlgab ayaa sheegey in uu lacag ku qaatay inuu ka qaybqaato been abuurka dhimashada Fanaankii Caanka ahaa oo isla markaasna Aktarka ahaa Tupak Shakuur.

Mr. David Meyers wuxuu sheegey inuusan dhiman Tupak oo dhimashadiisu ahayd mid la sameeyey oo la been abuuray.

Tupak Shakur oo loo yaqaanay 2PUK Waxaa lagu diley Las Vagis 1996 isagoo xiligaas 25 jir ah, Xiliga la diley wuxuu qorshaynayay inuu soo daawado Feer dhexmarayay Mike Tyson iyo Bruce Shelden.

Mr. David Meyers oo Booliska LAs vagis ka tirsanaa xiligaas ayaa hada ku andocoonaya in Tupak Shakuur uu nool yahay maanta , Ninkaan Booliska ahaan jirey oo hada aad u jiran wuxuu Sirtaan ka shifey isagoo ku jira Isbitaal oo Sariir dul yaal wuxuuna yiri “Waxbadan baan qarinayay sirtaan mana doonayo inaan Dhinto, anoon sheegin qalad aad u wayn oo aan ka qayb qaatay, Dhimashadii Tupak waxay ahayd mid la been abuuray, aniguna waxaan been abuuray Shahaadadii Dhimashada iyo Warbixintii Booliska, waxaan ahaa Ninkii Booliska ahaa ee Isbitaalka yimid kadibna waxaan cadeeyey oo warbixinta ku qoray in uu Tupak Shakuur Geeriyoodey, kaligay ma ahayn oo Dhakhtarkii iyo kalkaaliyayaal badan, ayaa ka qayb qaatay oo iyana lacag lasiiyey, Hooyadiis ayaa iyana waxka ogayd arinta”

Wuxuu kaloo yiri “Tupak wuxuu ogaa in mar uun ay naftiisu halis galayso , wuxuuna diyaarsadey Barnaamijkaan, Tubak markuu dhawacmay dhawiciisu wuu fudaa laakiin markiiba waa la suuxiyey, waxaana la wareegey meydkiisa been abuurka ah Qoyskiisa.”

David Meyers oo xiligaas la siiyey aduun dhan 1.5 Milyan oo Dollar si uu u been abuuro dhimashada Tupak Shakuur, wuxuu sheegey in hada 20 sano ka dib uu Tupak Shakuur ku nool yahay meel kamid ah Aduunka oo isagu uusan xitaa aqoon.

Ninkaas Booliska ahaan jirey wuxuu kaloo sheegey inuu hada uu sheegey sirtaan si aduunku u ogaado falkaan xun ee aan ka qaybqaatay samayntiisa, waan ka xumahay buu yiri, maalin walbana waan iswaydiin jirey, hadase maadaama aan dhimasho ku dhowahay ma doonayo inaan la dhinto, ayuu yiri.

Tupak Shakuur wuxuu sameeyey 75 Milyan Album (CD), wuxuuna aktar ka noqdey dhowr film, wuxuu kamid ahaa raga ugu caansan Rapka iyo Hiphopka, wuxuu dagaal culus kala dhexeeyey The Notorious B.I.G iyo Bad Boy Records.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles