Tan iyo bishii 0ktoobar sanadkii 2014 kii markii Jaaliyada Puntland ee Waqooyiga Denmark lagu sameeyey dib u habeynta iyo howlgalin casriyeysan oo isku dabaridan , waxaa xiligaas la sameeyey Gudi kumeelgaar ah oo halsano shaqaynaya, Gudigaas oo loo direy shaqo cayiman, waxay Jaaliyadu ku tilaabsatay guul weyn oo ay u horeysay ka mira dhalinta hadafkii laga lahaa iyo shaqadii loo direy Gudigii xiligaas la aasaasay oo run ahaantii shaqo wacan u qabtay Jaaliyada.
Gudigii Jaaliyada ee Xiligaas la doortay waxay Jaaliyada soo gaarsiiyeen sidii lagu balansanaa Oktoobar 2015 ka oo hada ah, iyagoo soo gutay guud ahaan shaqooyinkii loo direy oo ay ugu horeysay, Diiwaan galinta Xubnaha Jaaliyada oo ay guul wanaagsan kasoo gaareen mudadaas sanadka ah, iyagoo isla sanadkaasna gudanayay shaqooyinkii kale ee Jaaliyada.
Waxaa hada la isugu yeerayaa Dhamaan xubnaha Jaaliyada, kulankaan waa Shirweynihii Jaaliyadu ku dooran lahayd Gudiga Jsaaliyada
)
Fiiro gaara Waxaa Gudiga isu soo sharixi kara isla markaasna Cod uu waxku doorta leh oo qura Xubnaha u diiwaan gashan Jaaliyada ee bixiya lacagta xubinimada,
Shirweynaha Jaaliyada Waqooyiga Denmark (Aarhus wuxuu dhacayaa kana dhacayaa(Eeg hoos)
3 Oktoobar 2015
Kl.17:00
ForeninhHus-ka
Gudrunsvey 10A
8220 Brabrand
Wixii faahfaahin ah kala xiriir Gudiga Marjaca Jaaliyada oo iyagu gacanta ku haya howlaha Doorashada.
Wixii su’aal ahna waxaad kala xiriiri kartaa Gudiga Jaaliyada, xubnaha hoose
Saciid Dhimbil
Daarood ISmaaciil
Cabdinasiib
Cumar Sanweyne
Xamdi Shoodhe
Teleefoonada 28971311 ama 91532264 ama 71325642