Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawiro) Madaxweyne Xigeenka oo la kulmay Wafdi ka socda WHO

$
0
0

Madaxwene kuxigeenka Dawladda Puntland ayaa xafiskiisa ku qaabiley Wafti kasocdey Hay’ada WHO iyo Emra oo uu hogaaminayay Dr Hasan Saalah oo madax ka ah Xafiska Emro, urukan oo ka kooban 27 dawladood oo Somalia Kamidtahay oo saldhigisu yahay wadanka masar Magaladda Qahiro.

Safarkan oo ay ku wehelinayeen DR Saalah labo Qunsiliyadood oo kala ah Dr Samra iyo Pr khalif Bile.

Kulanka Madaxweyne Xigeenku la qaatey Wafdigaan waxaa qayb ka ahaa Wasiirka Wasaradda Cafimadka Dawladda Puntland Dr. Cabdinaasir Cismaan Ciise iyo Agaasimaha Guud ee wasaradda Cafimadka Dr Abdirisaq Hirsi Xassan iyo Masuuliyiin ka tirsan Xafiiska WHO Garoowe.

Shirkan ayaa lagaga wadda hadlayey shir laba malmood uga socday Garoowe wasaradda Cafimadka iyo WHO Emro kaaso laga wada hadlayey shaqadda laqaban doono 2016 iyo sidii loo hormarin lahaa caafimadka Punltland.

Madaxweyne ku xigeenka Dawladda Puntland Eng. Abdixakim Cabdulahi Xaji Omar Camay ay soo dhaweeyey Masuliyiinta ka socotey WHO isagoo ku bogaadiyey Shaqadda ay ka wadaan Gayiga Puntland sidoo kale ku dhiiriyey in laga-dago wadadda laamiga ah lana gaadhsiiyo meelaha fogfog Adeega caafimaadka si loo haqabtiro Shacabka Tabaleysan, Masuliyiintan aya balan qaaday in ay laban laabayaan korna u qaadi doonan shaqadda ay ka hayaan Puntland.

IMG_7341IMG_7340IMG_7339IMG_7336

IMG_7337

IMG_7338


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles