Madaxweynaha Dowlada Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa Gogol u dhigey Masuuliyiinta Soomaaliya si looga wada xaajoodo loona wada gorfeeyo qorshaha 2016, fadhigaasoo ay aad usoo dhaweeyeen Puntland iyo Beesha Caalamka.
Kulanka oo loogu magac dari doono Kismaayo Koow (Kismmayo One) waxaa lagu tala jiraa inuu noqdo mid mira dhala, wuxuuna furmayaa maanta oo Axad ah 13 Sep.2015 ka.
Ajandaha kowaad waa hiigsiga 2016 ka, Waxaa goobjoog ahaan doona Beesha Caalamka oo ay u horeeyaan Ergeyga gaarka ah ee QM Ambasador Nickolos Kay iyo Wadamada Dariska ee Kenya iyo Itoobiya.
Madaxwrynaha Martida loo yahay Axmed Madoobe oo isagu lahaa hindisaha Shirkaan ayaa lagu wadaa inuu khudbad soo dhaweyn ah ku furi doono kulanka.
Kala soco Puntlandi wixii kasoo kordha kulankaas.
Puntlandi.com
Kismaayo