Madaxweynaha Dowlada Jubbaland ee Soomaaliya Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe) ayaa beri oo sabti ah 12.09.2015 waxaa Magaalada Kismaayo loogu qabanayaa Xaflad balaaran oo u xilkiisa Madaxweynanimada afarta sano ee sosocata loogu caano shubayo.
Madaxweynaha ayaa wuxuu ku guuleystay in marlabaad uu hogaansho Jubbaland isagoo cod aqlabiyad buuxda ah ay Xildhibaanada Jubbaland ku doorteen.
Xaflada oo maalmahaan qabanqaabadeedu socotey waxay noqonaysaa sida la qorsheynayo Xaflada sanadkaan ugu balaaran uguna qurxoon, waa sida loo qorsheynayaye.
Waxaa la casumay guud ahaan hogaamiyayaasha Soomaaliya, Madaxweyne Cabdiwali MAxamed Cali Gaas oo isagu maanta iskasoo xaadiriyay Kismaayo ayaa ahaa shaqsigii ugu horeeyey ee la casumey islamarkaasna wuxuu maanta noqdey Masuulkii ugu horeeyey ee Kismaayo soo gaara si uu uga qaybgalo maalintaas qadarinta ku mudan saaxiibkiis Axmed MAdoobe.
Madaxweynaha Koonfurgalbeed Mudane Shariif ayaa isna la casumey.
Muqdisho waxaa laga casumey Dowlada Federaalka ah oo ku Imaan doona inta lahubo Madaxweyne Xasan Sheikh, Gudoonka Baarlamaanka , Raysal wasaaraha, Wasiiro, Xildhibaano, Madaxweynaha Galmudug iyo Siyaasiyiin iyo waliba odoyaal dhaqameedyo.
Waxaa iyana la casumey Suna Waljameeca oo dhinaca Dhuusamareeb ka Iman doona.
Beesha Caalamka ayaa si balaaran ugasoo qaybgalaya iyadoo Safiirada Beesha Caalamka ee Soomaaliya qaabilsan ay wada imaanayaan, Wafdi Maraykan ah iyaa iyana si gaara u imaanaya.
Dowladaha aan Walaalaha nahay ee Itoobiya iyo Kenya waxaa ka imaanaya Marka laga tago Masuuliyiintooda Soomaaliya u qaabilsan, Wasiirada Arimaha Dibada ee labada Dal.
Jabuuti waa la casumey laakiin Puntlandi war kama helin cida ka imaaneysa.
Amaanka
Ciidamada Jubbaland oo kaashanaya Saaxiibada Kenya ayaa amaanka shafka u tuntay inay sugayaan, waxaana ka qayb qaadanaya Ciidamada sirdoonka Jubbaland oo habeynadaan waday howlgalo gaara.
Puntlani ayaa si toosa oo muuqaal iyo qoraalba ah idiinkusoo tabin doona Xaflada ee ha moogaanina.(hadii eebe idmo).
Puntlandi.com
Kismaayo