Gobolka Mudug siduu muhiimka ugu yahay Puntland uma helin horumar marka loo eego Gobolada kale ka hor Xukuumada Madaxweyne Gaas.
Axmed Abshir oo ka mid ah shacabka Gaalkacyo ayaa yiri “Sameyntii Golaha deegaanka Gaalkacyo waxay ahayd bilow wanaagsan, imaanshihii Madaxeyne Gaas ee bishii hore waxaan is lahayn sidii kuwii hore ayuu laba maalmood joogayaa laakiin wuxuu muujiyey inuu ka duwan yahay.
Sida aad sawirada hoose ku arkeysaan horumarka xawaaliga ku socda ee Gaalkacyo wuxuu maanta gaaray banaanka Koonfurta Gaalkacyo.
Maanta oo isniin ah 7 sep.2015 waxaa dib u dhis lagu bilaabay Wadada Koonfurta Gaalkacyo iyo banaanka koonfureed ee Xaafada Garsoor, maalmo ka hor waan ogayn wixii Gaalkacyo laga qabtey oo horimar wanaagsan ahaa.
Joogida uu Madaxweyne Gaas uu joogo Gaalkacyo waxay muujisey in Xukuumada ay ka go’an tahay horumarinta Gobolada Puntland guud ahaan.
Madaxweynuhu wuxuu booqdey Guud ahaan deegaanada Gobolka Mudug si siman waana Madaxweynihii ugu horeeyey ee Booqda deegaanadaas, Waa horumarkii ugu horeeyey ee Gobolku uu helay.
Maanta Gaalkacyo waxay dareentay Amaan adag oo aan nina soo hawrysan doonin.