Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo sawirada Agaasimaha Qurba joogta Puntland oo booqasho ku maraya Finland

$
0
0

Waxaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyey caasimadda wadanka Finland ee Helsinki Agaasimaha Guud ee qurbajoogta Puntland mudane Cumar Shire Maxamed. Agaasimaha oo kasoo degey madaarka Helsinki ayaa waxaa soo dhawayntiisa ka qayb qaatay wakiilka dawladda puntland ee Finland Eng. Cabdirisaaq Muuse Cali Ilweyn iyo madaxda jaaliyadda puntland ee Finland iyo dadweyne reer puntland ah oo isugu jira rag iyo dumar.

Maalintii Jimcada ayuu agaasimuhu kulan laqaatay laba hay-adood oo ah kuwa ugu waawayn dalkan Finland oo taageera dhanka horumarinta wadamada soo koraya. Agaasimaha ayaa la kulmay labada hay-adood mada ugu saraysa oo horay ballan ugu sameeyey agaasimaha, ka dib markii lagu war geliyey inuu imaanayo wadankan Finland. Labada kulan oo kala danbeeyey ayaa waxaa kasoo baxay wax ay ku wada farxeen labadii dhinac ee kulmay. Mid ka mid ah hay-adaha ayaa waxay Agaasimaha ku sharfeen inay qado la qaataan isaga iyo madaxdii jaaliyadda ee la socdey.

Gelinkii danbe ee Jimcaha ayaa agaasimihu waxa uu kulan la qaatay golaha dhexe ee jaaliyadda oo ka kooban 31 xubnood. Kulanka oo ka dhacay xarunta jaaliyadda ayaa waxaa agaasimaha looga warbixiyey waddankan Finland iyo taariikhdiisa iyo in Finland ay ka mid tahay wadamada laysku yiraahdo Nordic ee aysan ka mid ahayn Scandanevianka.

Waxaa sidoo kale agaasimaha si taariikhaysan looga war bixiyey jaaliyadda puntland ee finland iyo hababkii ay soo martay, caqabadihii ka horyimid iyo maanta inay ka mid tahay jaaliyadaha laga citiraafsanyahay wadankan, haystana shacab, lehna nidaam adag oo uusan hunguri ka gelayn qof ama shakhsiyaad raba inay dano khaas ah ku fushadaan.

Agaasimaha ayaa isna ka mahad celiyey sida wanaagsan ee wadanka loogu soo dhaweeyey iyo wanaagga ka muuqda jaaliyadda reer Finland iyo sida ay u doonayaan inay dalkoodii iyo dadkoodii wax ugu qabtaa.

Agaasimaha ayaa waxa uu warbixin dheer ka bixiyey shaqada iyo hawsha hortaal iyo sida loogu baahan yahay jaaliyaduhu inay wada shaqayn dhab ah la yeeshaan Xafiiska agaasimaha ee Garoowe iyo in shaqo kasta oo jaaliyadi qabanayso ay marto xafiiskaas.

Agaasimaha ayaa sheegay in qofkii wax qabad la yimaada lagu abaalmarin doono in lagu ammaano wuxuu qabtay, kii dhib ka shaqeeyana lagu abaal mariyo in loo sheego hay-adaha amniga lagana ilaaliyo inuu wax jago ah ka qabto wadanka.

Agaasimuhu wuxuu shirweyne guud ku qaban doonaa maalinka Axadda 16.8.2015, 16:30 – 21:00 magaalada Helsinki, xaafadda Siilitie. Goobtuna waa Siilitie Kirjasto. Shirku wuxuu khaas u yahay agaasimaha oo marti inoo ah, waxaana loogu baaqayaa in laga soo wada qayb galo maadaama uu yahay masuul sare oo ka socda maamulkeenna Puntland. Kasoo qaybgal wanaagsan!!!.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-
heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (1)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (2)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (3)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (4)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (5)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (6)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (7)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (8)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (9)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (10)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (11)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (12)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (13)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (14)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (15)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (16)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (17)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (18)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (19)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (20)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (21)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (22)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (23)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (24)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (25)

heilsinki agaasimaha qúrbajoogta (26)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles