Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

BREAKING– Puntland iyo Jubaland oo diidey ka qayb galka Shirka Xalane ka furmaya 29 bishaan, iyo Beesha Caalamka oo walaac ka muujisey

$
0
0

breaking-nes-150x63 (1)Ilo lagu kalsoon yahay ayaa Puntlandi u sheegey in maalmihii u dambeeyey uu Madaxweyne Xasan Sheikh wadey dadaal uu doonayay inuu ku badbaadsho shirka 29 bishaan ka farmuya Xerada Xalane ee Magaalada Muqdisho ka dib markii ay Puntland iyo Jubaland ay qaadaceen ka qayb galka shirka iyagoo ku eedeeyey in Dowlada Federaalku ay ku xadgudubtay Dastuurka u yaal Dalka.

Madaxweyne Xasan Sheikh ayaa Xubno Beesha Caalamka ah ka codsadey iney Puntland iyo Jubaland ay ka dhaadhiciyaan kasoo qayb galka Shirka.

Sida ay Puntlandi warka ku heleen maanta Puntland iyo Jubaland waxay go’aansadeen ineysan sinaba uga qayb galin shirka.

Shirkaan oo lagu magacaabo The High Level Partnership Forum(HLPF) waxaa la qabtaa lixdii biloodba mar, waana markii ugu horeysay ee lagu qabto Gudaha Dalka ka.

Maqnaanshaha Puntland iyo Jubaland waxay dhabar jab ku noqoneysaa Dowlada Federaalka.

Puntlandi
Nairobi


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles