Wadamada Daneeya Soomaaliya oo si wada jir ah usoo saaray Qoraal ay uga hadlayaan Xaaladaha Xasaasiga ah ee ka dhex taagan Dowlada Federaalka iyo Dowlada Jubaland ayaa ku baaqay in isfahan deg dega ah laga gaaro xurgufta ka dhalatay Mooshonkii kasoo yeerey Baarlamaanka Federaalka.
Beesha Caalamku waxay ku baaqaysaa in labada dhinac ay wadahadal iyo xaajood ay ku dhameeyaan Xurgufta, Go’aankii uu Raysal Wasaare Cumar Cabdirshiid ku sameeyey Guddi Wasiiro ah oo ka tala bixiya Arinta Baarlamaanka Jubaland waxay ahayd talaabo wanaagsan, Waxaan ugu baaqaynaa dhamaan Awoodaha Siyaasada Soomaaliya iney wakhti siiyaan Guddiga Raysal wasaaruhu Magacaabay,ayna Gudiga u fududeeyaan shaqadooda.
Hadalka kasoo yeeray Beesha Caalamka ayaa si toosa wuxuu ugu socdey Villa Soomaaliya oo Jubaland iyo Puntland ku eedeeyeen iney ku lug leedahay Qalalaaha ka taagan Baarlamaanka Federaalka.
Waxaa dhinaca kale Beesha Caalamka , Puntland iyo waliba Jubaland ay aad uga niyad jabeen Hadalkii dabacsanaa ee uu Madaxweyne Xasan uga Jawaabay Mooshinka ay sheegeen Baarlamaanka Federaalku iney ka keeneen Baarlamaanka Jubaland.
Puntlandi
Garowe