Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Beesha Wabeeneeye oo 20,000 USD ku caawiyey Qaxootiga kasoo qaxay Yenem

$
0
0

Beesha Wabeeneeye oo Kamid ah Beelaha Daga Puntland 01-6-2015  ku wareejiyay deeq lacageed oo gaaraysa 20.000 oo dollar Mu’ssadda Al-minhaaj ee Dacwada iyo Hormarinta iyo Guddiga gurmadka Qoxootiga ka soo qaxay dagaalada ka socda dalka Yaman.

Munaasabada lagu wareejinaayay deeqdan lacageed oo Beesha Wabeeneeye ay uga qaybqaadanayso taakulada loosamaynaayo Qaxootiga ka imaanaya dalka Yamen oo lagu qabtay Xafiiska Mu’asasada Alminhaaj ee Bosaso ayaa waxaa ka qaybgalay Suldaanka Beesha wabeeneeye suldaan Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad), Gudoomiyaha Gudiga gurmadka  Qaxootiga Yamen ee Beesha Wabeeneeye ,Madaxda Mu’ssadda Al-minhaaj , Gudiga gurmadka  qaxootiga Yamen iyo qaar kamid ah culumada  soomaaliyeed Kuwooda ugu waayan

Suldaanka Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad)  oo ugu horeen munaasabada daah furay ayaa bogaadin iyo amaanba u jeediyay culimada , Mu’asasada Al minhaaj  iyo Gudiga gurmada Qaxootiga yamen, dadaalka balaaran ee ay ugu jiraan taakulaynta dadka kasoo qaxaya dalka yemen, wuxuuna ilaahay uu uga baryay in uu ufududeeyo

Suldaan Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad) ayaa sidoo kale sheegay In beesha markii ay aragtay  culayska farahabadan ee arintan dhalisay ay u istaagatay sidii ay doorkooda uga qaadan lahaayeen gacansiinta dadka walaalahood ah

‘’ Marka lag yimaado dadka shaqsiyaadka ah ee wax ku deeqaay ama shirkadaha , waxay beeshu dareentay  in culaysku intaasi ka badanyahay oo aanu ku filnaan karaynin shirkada iyo Shaqasiyaad ,marka beelaha naftooda arinka in ay ka qaybqaataan  baanu halkaan unimid  oo aanu hormuud unoqono  beelaha , waxaanu ku wareejinaynaa gudiga iyo  culumada lacag dhan 20,000” ayuu yiri

Gudoomiyaha Gudiga gurmadka  Qaxootiga Yamen ee Beesha Wabeeneeye Axmed Xabiib Badar ayaa dhankiisa xusay in beesha ay sookicisay qayladhaanta ay culumadu jeedinyaan iyo dhibaatada ka muuqata dadka qaxootiga ah,  kuwaasi  oo u baahan gacan walaaltinimo oo loo fidiyo dadkaasi

 Sheikh Daahir ow -cabdi iyo sheikh maxamed macalin Axmed oo kamid ah culimada Soomaaliyed  oo xaflada hadalo kooban ka jeediyay ayaa u mahadceliyey una duceeyey Beesha wabeeneeye oo deeqdaas lacageed soo gaarsiiyeen culimada iyo mu’asasada alminhaaj , waxaana ay eeba uga baryeen badl ka khayr badan

Culamada ayaa sidoo kale ugu baaqay dowlada soomaaliya ,Maamulada dalka ka jira iyo ganacsataduba in ay gacan kagaysaa taakulaynta walaalaha soomaalida iyo  Ajaaniibta isugu jira ee ka soo cararaaya dagaalka ka socdo dalka yamen

Gudoomiyaha Mu’asasada Al minhaaj  ee dacwada iyo hormarinta  Sheekh Maxamed Cabdulaahi Cabdule ayaa dhankiisa xusay in wax lagu farxo ay tahay talaabadan ay beesha Wabeeneeye  ay qaaday , waxaana uu ugu baaqay beelaha kale in ay kaga daydaan.

intaa ka dib waxa ay Suldaanka Siciid Maxamed Maxamuud (Irbad) iyo gudiga ka socday Beesha wabeeneeye ku wareejiyeen maamulka mu’asasada alminhaaj iyo culimada deeqdii lacageed ay ugu tala galeen qaxootiga kasoo cararaaya Dalka yemen.

Gudoomiyaha  Mu’asasada Al minhaaj  ee dacwada iyo hormarinta  Sheekh Maxamed Cabdulaahi Cabdule ayaa isna sidoo kale waxa uu kusii wareejiyay Deeqdii ay ku deeqday Beesha Wabeeneeye Gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga Yamen Shekh Yuusuf Daad oo isna madasha ku sugnaa.

Gabagabadii xaflada ayaa Gudoomiyaha gurmadka Qaxootiga Yamen Shekh Yuusuf Daad waxa uu kasoo jeediyay kalmado ubadnaa duco  ,waxaana uu Eebe uga baryay in uu ka abaalmariyo cidkasto oo gacan ka gaysatay gurmadkan loo samaynaayo Qaxootiga ka soo cararaya dagaalka Ka socda dalka Yamen

Beesha Wabeeneeye oo kamid ah Beelaha daga puntland ayaa ah beeshii ugu horeysay oo qaab beel ahaan ah gudiga iyo culimada usoogaarsiiyay deeq Lacageed  oo ay ugu  talagaleen in ay uga qaybqaataan  gurmadka  qaxootiga ka soocaraaya dagaalka ka socda Yaman ee soogaaya Puntland

DD-41-450x338

DD-42-450x338

DD-34-450x338DD-33-450x338-1

DD-19-450x338

DD-23-450x338


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles