Wadahadalka Jubaland iyo Dowlada federaalka uga socda Adis Ababa ayaa wali la isku mari la’yahay iyadoo Caawa loo kala seexdey berina la isu balan sanyahay, Waxaa galabta Muqdisho ka yimid Cabdiraxmaan Xoosh Jabriil oo Madaxweyne Xasan Sheikh usoo direy inuu Xoojiyo Ergada Villa Soomaaliya, Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warar hoose ku heleen Waxaa isna beri imaanaya Adis Ababa Wasiirka Arimaha Gudaha Dowlada federaalka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo isna Ergada Villada xoojinaya.
Caawa waxaa la isku mari waayay Qodob ay Ergada Dowlada federaalku aad ugu dhageen una muuqda Qodobka kaliya ee ugu muhiimsan xagooda, balse Ergada Jubaland ayaa ka biya diidey Qodobkaas iyagoo sheegey ineysan marnaba aqbaleyn, Qodobka waxaa Weeyey in laga tanaasulo Magaca Dowlad goboleedka Jubaland loona badalo Juba Region Administration oo ah maamulka Jubooyinka oo laga reebo Gedo
Ergada Dowlada Federaalku waxay shegeen in ay aqoonsanayaan Maamulka Axmed Madoobo ayna saxiixayaan heshiiskii shalay ay labada Madaxweyne wada gaareen hadii la qaato magaca Juba Region, iyada sida aan Wararka ku heyno ay ujeedada ka dambeysa magacaan tahay in Gobolka Gedo ay raaciyaan Bay iyo Bakool.
Ergada Jubaland waxay magacaan la soo jeediyey ku tilmaameen meesha halagu kala tago, wayna ka biya diideen, Qodobo kale oo yaryar waxba lagama soo qaadin maanta sababtoo ah Ergada Villa Soomaaliya waxay awooda saareen oo ku adkeysteen in laga takhaluso magaca Jubaland.
Wadahadala ayaa caawa la isku habeyn sadey waxaana lagu balan san yahay in dib loo bilaabo beri oo jamce ah.
wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com