Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Saldhig cusub oo Boolis ayaa laga Furey Galdogob

$
0
0

Ciidamada Booliska gobolka Mudug ayaa Saldhig cusub ka furey Degmada Galdobob,Saldhigaasoo buuxin doona kaalinta amaan ee shacabka degmada, Taliyaha Booliska Gobolka Mudug Jaamac Maxamad Axmad oo la hadlay Radio Garowe ayaa sheegey in saldhigu uu durba bilaabay howlihiisii.
Saldhigaan cusub oo ah mid ay u dhan yihiin Qalab iyo Ciidanba wuxuu sare u qaadayaa kalsoonida Shacabka magaalada ay ku qabaan Amaanka magaalada iyadoo shacanbkuna ay u isticmaali doonaan xalinta khilaafaadka shacabka dhexdiisa.

Qorshaha lagu furay saldhiga ayaa qayb ka ah Amaanka guud ee Gobolka Mudug, iyadoos aldhigu uu hada qabtay howshii ugu horeysay ka dib markii Ciidanka Amaanka degmada Galdogob ay saldhiga usoo gudbiyeen rag lagu qabtey gaari Khamri saaran yahay.

Shacabka Magaalada Galdogob ayaa aad usoo dhaweeyey Saldhiga cusub ee magaalada laga furey.

Puntlandi.com
Galdogob


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles