WARBIXIN+SAWIRRO : Wejiga koowaad ee shirka Madaxda afrika uga furmay Dalka Itooboya ayaa soo dhammaaday goor maanta , waxaana looga hadlay arrimo ay kamid yihiin Amniga iyo horumarinta geeska Afrika.
Madaxweynaha Dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo khudbad ka jeediyey shirka ayaa ka hadley amaanka guud ee Soomaaliya iyo guulaha laga gaaray la dagaalanka Argagixisada.
Madaxweyne Gaas ayaa isla maanta wuxuu kulamo goos goos ah la yeeshey Madaxweynayaal Afrikaan ah iyo Raysal wasaaraha Itoobiya Hailemariam Desalegn oo ay isaga horey isugusoo arkeen Adis ababa.
Madaxweyne Gaas ayaa masuuliyiinta uu la kulmay kala hadlay sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen horumarka iyo nabad-gelyada wanaagsan ee kajirta Puntland, iyagoona madaxweynaha ku amaanay dadaalada horumarineed ee uu dalka kawado.
Shirka Tana Forum ayaa ah shir sanadle ah oo sanad walba martigeliso dawladda Ethiopia waxaana maanta si rasmi ah shirkaasi u furay Raysal-wasaaraha dalka Ethiopia Hailemariam Desalegn, waxaana sidookale iyana khudbado ka jeediyey masuuliyiin kale duwan oo wadamada afrika ka socday.
Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa in halkaas laga sii ambaqaado shirka lana soo gebagebeeyo, madaxweyne Gaas iyo wefdigaa uu hogaaminayana waxaa ay dib ugu laabanayaan marka uu shirku dhammaado magaalada Adisababa oo uu madaxweynuhu kulamo kula qaadanayo Madaxda ugu saraysa dalka Ethiopia iyo masuuliyiin kale.