Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Breaking–Jaamacada Gaarisa oo Kooxo hubeysan gudaha u galeen

$
0
0

breaking nesWarar rasmi ah wali lagama hayo laakiin wali waxaa Jamacada Gudaha ugu jira Dabley hubeysan, Rasaasna waa la maqlayaa waxaa sidaas Puntlandi u sheegey goobjooge u dhow jaamacada.

Koox hubeysan ayaa saaka weeraray Jaamacada Garisa ee Magaalada Garisa Walina faahfaahin buuxda lagama hayo.

Inta la hubo hada waxaa dhintay laba ka mid ahaa illaalada Jamacada oo meykoodu uu hada yaal Albaabka hore, ugu yaraan 29 Qof ayaa lagusoo waramayaa in ay dhawacmeen.

Wali gudaha Jaamacada ayay ku jiraan kooxdii weerarka soo qaadey, waxaana loo badinayaa iney ardey ku heystaan Gudaha.

Ciidanka Amaanka ayaa soo buux dhaafshey banaanka Jaamacada

Wixii soo kordha kala soco Puntlandi.com


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles