Dalka Denmark waxaa ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen Urur ay sameeyeen Dhalinyaro aqoonyahano ah kasoo la yiraahdo Ururka Caafimaadka Puntland (Punland Health Organization (PHO)), kulanka ayaa ka dhacay Magaalada Ålborg ee dalka Denmark, Sabtidii ku aadanay 14.3. 2015 .
Ujeedada shirka ayaa ahaa isku xirka iyo kalsooni abuuridda Puntlands sundhedsorganisation (PSO) Ururka Caafimaadka Puntland iyo shacabka reer Puntland ee ku nool Magaaladaas. isla markaana loola socodsiin lahaa xaalaada caafimaad ee deeganada Puntland ka jirta.
Ururka magaciisa ayaa lagu daah furay shirka, kaas ooku noqonya afka danish-ka Puntlands sundhedsorganisation (PSO) ama afka ingiriiska Punland Health Organization (PHO)
Jawiga shirka ayaa ku bilaamay si heer sare ah, waxaana lagu daah furay qaab dhismeedkii Ururka, iyo in ururka caafimaadka Puntland ay ku mideysanyihiin dhalinyaro ka soo jeeda Dowlada Puntland oo ku nool dalka Denmark.
Dhalinyarada ayaa u badan kuwa barta caafimaadka, isla markaana jecel inay dalkoodii iyo dadkoodii wax muuqda u qabtaan.
Hal ku dhigyada shirka waxaa kamid ahaa: “Dal wuxuu wax ku yahay dadkiisa, dal aan dad lahayn meelna ma gaaro”.
Ururka ayaa amaan iyo boogaadin u soo jeediyay maamuladii ka soo arimayay iyo kan hadda ka taliya Puntland, wuxuuna hoosta ka xariiqay in maamulka lagu caawiye waxkasta oo shacabku awoodaan.
Ururka caafimaadka Puntland ayaa xiriir la leh wasaarada caafimaadka ee Puntland, waxaana si toos ah u soo dhoweeyay wasiirka caafimaadka Puntland Dr Saadiq Eenow.
Ururka ayaa soo badhindhigay aragtidiisa ku aadan qaabkii uu dalka uga howl gali lahaa isla markaana gacan uga gaysan lahaa baahida caafimaad ee ka jirta deegaanada Puntland. Maxaayeelay waxaan ognahay in isbitaalada qaar aysanba haysan qalabka aasaasiga ah ee bukaanka reer Puntland u baahan yihiin.
Ururka ayaa soo bandhigay filim ka turjumaya xaqiiqda caafimaad ee ka jirta dalka, Filimkaas waxaa soo diyaariyay ururka Caafimaadka Puntland. Dr Moxamed Xuseen oo ah aagisamaha Isbitaalka Gaalkacyo, Agaasimaha ayaa filimka ku shegay howsha uu qabto isbitaalka gaalkacyo, iyo baahida ka jirta isbitaalka. Wuxuuna hoosta ka xariiqay inay muhiim tahay in si wada jir ah wax looga qabto baahida caafimaad ee ka jirta deeganada Puntland.
Drs Xamiida shakiib oo ah diktooreyso qabilsan qeybta haweenka iyo caruurta ayaa sheegtay in baahi weyn ka jirto qaybta dhalmada. Waxay sheegtay inay haystaan hal tuubo oo naqaska siisa caruurta markay dhashaan. Tasoo la macna ah hadii labo caruur ah isku mar dhashaan aysan naqas wada siin karin!!
Dhaladii lagu korin lahaa carurruta dhiciska maba haystaan, tasina waxay ka dhigantahay inay dhintaan caruur badan. sidoo kale waxaa ka maqan nalka weyn ee gabdha foolanaysa lagu eego. iskabadaa qalab casri ah,ee waxaa ka maqan asaasigii muhiimka ahaa.
Saciid Dhimbil oo ah Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Denmark oo marti ahaan loogu casumay kulanka ayaa aad usoo dhaweeyey Ururkaan isagoo tilmaamey in loo baahnaa inay dhalinyarada Reer Puntland ee waxbartay oo qaarkood laga yaabo ineysan waligood arag dalkii ay u istaagaan taakulaynta Dadkeena jira dalkii.
Shirka ayaa ku dhamaaday jawigii uu ku bilowday mid la mid ahaa, waxaana madasha ka hadlay cuqaasha iyo waxgaradka magaalada Aalborg, oo runtti muujiyay tageero aad u balaaran.
Waxaan u mahadcelin mudan dhamaan dadkii ka soo qayb galay. Waxaan sidoo kale u mahad celinaynaa jaaliyada Puntland ee odense oo gacan dhaqaale ka gaysatay in uu qabsoomo sheirka.
Shirka kan xigi doona waxaan ka dhaci doonaa Magaalada Aarhus oo ah caasimada labaad ee dalka Denmark. Waxaana lagu soo bandhigi doonaa arimo muhiim u ah horumarka caafimaadka Puntland.
Dhalinyarada ku midoobay Ururkan oo u badan kuwo waxa ku barta dalka Danmarka,ayaa bog cusub u furi doona sidii Jaaliyadaha iyo urarada qurba joogta Puntland ay noqon lahaayen ku tayo leh, isla markaana waxqabad muuqada ummada Puntland ku soo kordhiya, sidoo kale waxaa la gaaray wakhtigii aqoon, kari iyo dadaalka shaqsiga iyo midka wax wada qabsiga ee bulshadu u shaqeyn lahaa, lagana bixi lahaa ururada fadhi ku dirirka ah, waxaa xusid mudan in ay jiraan ururo qaarkood wax tar leh, waase fara ku tiris ah, lakiin nasiib daro Ururada Badanaa laga sameeyo Qurbaha ee wata Magaca Puntland ayaa u badan kuwo ay hogaanshaan dad Xirfadlaawayaal ah oo ujeedooyin yaryar ka leh,kuwasoo badanaa ku dhamaada isqabqasi iyo waxtar la’aan
Hoos ka daawo sawirada Kulanka
Intaadan sawirada daawan daawo Video-gaan ay kusoo bandhigeen kulanka