Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Faahfaahin Qarax Xoogan oo caawa ka dhacay Nawaaxiga Hotel ku yaal muqdisho

$
0
0

maka al mukaramaMuqdisho– 11 Maarso 2015–Pi– Hotel Maka al- Mukarama ayaa caawa ka badbaadey Qarax la damacsanaa in lala beegsado Hotelka, sida Puntlandi warka ku heley Gaari ay ka buuxaan Waxyaabaha qarxaya ayaa lasoo dhigey dhabarka dambe ee Hotelka, Illaalada Hotelka mid kamid ah ayaa damcay inuu la hadlo ninkii gaariga soo dhigey Meesha oo markaas kasoo degay gaariga balse darawalkii intuu cararay ayuu hotelka dhankiisa wuxuu usoo tuuray Bambaano gacmeed taasoo aan cid waxba yeelin.

Qaraxa Bambaanada ka dib ayaa durba waxaa goobtii isugusoo baxay dad dhowra, waxyar ka dibna gaarigii ayaa Qarxay, waxaana loo badinayaa in ninkii cararay uu watay Ramuutka Wax lagu qarxiyo sidaas darteedna uu isagu gaariga qarxiyay markii goobta uu arkay in dad badan isugu yimaadeen.

sida aan warka ku helney cidna kuma dhiman qaraxa wazaase ku dhawacmey dhowr qof.

Ciidanka amaanka ayaa goobta soo gaaray oo durba bilaabay baaritaan.

Puntlandi.com
Muqdisho


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles