Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Degmada Baargaal oo lagu xusay 1 Maarso(Sawiro)

$
0
0

Munaasabad ballaaran oo lagu maamuusayay Maalinta Haweenka Aduunka ee
8-da Maarso ayaa maanta lagu qabtay Degmada  Baargaal ee Gobolka
Gardafuu , iyadoo lagu soo bandhigay halku dhigyo kala duwan oo lagu
muujinayay doorka Haweenka ku leeyihiin bulshada dhexdeeda.

Munaasabada oo lagu qabtay xarunta Hooyooyinka Degmada Baargaal ayaa
waxaa ka qeyb galay Mas’uuliyiinta ugu sareysa Maamulka Gobolka iyo
Degmada uu ugu horeeyay Gudoomiyaha Degmada Baargaal Abuukar Axmed
Yuusuf , isuduwaha Dawladaha Hoose ee Gobolka Gardafuu C/qaadir
Maxamed Jaamac ( C/qaadir Caato)Taliyaha qaybta Gobolka Gardafuu
Kornayl Maxamed xirsi Cumar , Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Baargaal
Maama Istanbuul Cali aadan ururada haweenka ,Xildhibaanada Golaha
Deegaanka Degmada Baargaal  iyo marti sharaf kale oo badan.

Ugu horeyn waxaa munaasabada ka hadlay Gudoomiyaha Degmada Baargaal
Abuukar axmed yuuusf oo ugu horeyn u hambalyeeyay haweenka
Soomaaliyeed maalinta 8-da Maarso, isagoo sheegay in Haweenka ay udub
dhexaad u yihiin Bulshada qeybaheeda kala duwan, la’aantoodna aan
waxba suura galaynin , wuxuuna intaasi raaciyay gudoomiyuhu in waqti
walba uu maamulku garab taaganyahay , isagoo amaan balaaran u soo
jeediyay haweenka ku dhaqan degmada baargaalsida hagar la’aanta ah ay
u muujiyeen waxqabadkooda sida nadaafada soo dhawaynta martida ayagoo
dawr wayn ku leh horumarka ay ku talaabsatay degmada baargaal  .

intaasi kadib waxaa munaasabada ka hadashay Maama Istanbuul Cali aadan
oo ah gudoomiyaha Caafimaadka Degmada kuna hadashay magaca Haweenka
ayaa madasha ka jeedisay khudbad aad qiiro u leh ayadoo haweenka ugu
baaqday inay dadaalkooda sii labalaabaan doorkoodiina wataan wax
walboo horumarka deegaanka ku saabsan.

Ugu dambeyn Haweenkii kasoo qeyb galay munaasabadan 8-da Maarso ee
maanta ka dhacday Degmada Baargaal ayaa ku soo bandhigay madashii
munaasabada halku dhigyo iyo suugaan, iyo ciyaaraha hidaha iyo
dhaqanka  ayagoo haweenku ku  labisnaa dharka hidaha iyo dhaqanka ay
ugu talagaleen munaasabadn ay ku weyneynayeen maalinta 8-da Maarso.

Sawirada hoos ka daawo

Maxamed Ibraahim Axmed
Degmada Baargaal , Gobolka Gardafuu
20150308_102732-2

20150308_110547

20150308_110501
20150308_110510Charger-Set-Battery-Camera-Battery-and-Charger-for-Nikon-EN-EL9-SLR-D60-D40-D40x-c4a1fae7-0605-4a83-892b-56f3c2ce6b4d_32020150308_102732-2


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Latest Images

Trending Articles



Latest Images