Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Warbixin+Sawiro) Ganacsatada Puntland ee dalka Imaaraatka Carabta oo kulan la qaatay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland.

$
0
0

Dubia–27 feb.2015–Pi–Ganacsatada Puntland ee ku dhaqan dalka Emaaraadka ayaa kulan casho sharafa la yeeshay Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Cabdiraxmaan Warsame Jaama,waxaana kiulanka ujeedadiisu ay ahayd sidii loo abuuri lahaa wada shaqayn dhexmarta Guddoomiyaha cusub ee Rugta Ganacsiga iyo Ganacsatada reer Puntland ee dalka Imaaraatka carabta.

kulanka waxaa goob joog  ka ahaa Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Abdirsaaq nuur ,Wasiirkii hore ee Ganacsiga dawladii Cade muuse Abdisamad Abwaan ,Safiirka Somaaliya u fadhiya dalka Filand iyo dhamaan Ganacsatada dalka UAE .

Wasiir ku xigeenka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland Abdirsaaq nuur oo la hadlay Ganacsata ayaa sheegay “Hadii aad tihiin Ganacsato u dhalatay Gobolada Puntland waxaa loo baahan yahay Suuq wayn oo ka baaxad badan kuwa aad hada ku shaqaystaan Suuqasi oo ah mid ay Maalgashadaan wadamada Deeqaha bixiya isla markaana dalkeenu uu u helo dawladu maal gashada oo inoo hor mariya’’.

Dhanka kale,waxa isna goobta ka hadlay Gudoomiyaha Rugta Ganavasiga iyo Warshadaha Puntland Mudane Abdirahaman ayaa sheegay in loo bahan yahay in Ganacsatada iyo  Rugta Ganaciga ay wada shaqeyaan si loo gaaro ayuu yidhi horumar , waxa uu sidoo kale ka hadlay kastamka dhismihiisunka socdo deegaanka Tuurdibi,kaasi oo u sheegay in dhismihiisu uu meel wannaagsan marayo.

Gudoomiyaha aya sidoo kale ka hadlay intii ay xilka hayeen hawla badan ay qabteen una qaban doonaan umada Punrland isago sheegay in ay Ha’ado badan kala hadleen in loo sameyo Saylad xoolaha ah oo casri ah waxana uu intaasi raaciyay in Ganacsiga Puntland uu yahay laf dhabarta dhaqaale ee dalka.

Waa safarkii ugu horeeyay oo Guddoomiyaha Rugta Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland uu ku tago wadanka Imaaraatka Carabta tan iyo markii xilka loo doortay.

Hoos Ka Daawo Sawirada;-

2 3 4 5 6 7 8

www.puntlandi.com.

 

 

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles