Quantcast
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Xaflad lagu soo dhaweynayo gudoomiyaha goblka Dalarna ee Sweden Mudane Mursal Ciise oo lagu qabtay magaalada London

Qaar kamid ah waxgaradka iyo aqoonyahanada Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Ingiriiska (UK) ayaa waxa ay ugu qabteen xaflad soo dhaweyn ah mudane Mursal Ciise oo ah mudane ka tirsan baarlamaanka Sweden ahna gudoomiyaha gobolka Dalarna ee dalka Sweden. Xafladaas oo ay soo qabanqaabisay hay’adda kheyriga ah ee Nour Foundation ayaa waxaa ugu horeyn lagu furay wacdi diini ah oo uu soo jeediyey Shiikh Ismaaciil Cabdullaahi. Kadibna waxaa hadalkii la siiyey nabadoon Maxamuud Bootaan oo halkaas kasoo jeediyey hadalo guubaabo iyo soo dhaweyn isugu jiray.Waxaa isaguna halkaas ka hadlay mudane Siyaad Cali Farey oo ah gudoomiyaha hay’adda Nour Foundation ee Uk oo ka sheekeeyay sida ay ugu faraxasan yihin soo dhaweynta Mursal. Waxaa isaguna halkaas ka hadlay Cabdixakiim Jaamac Jooje oo ka mid ahaa waxgaradkii ka yimid magaalada Leicester. Sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay waxgarad iyo aqoonyhano fara baddan oo halkaas ka muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin kaalinta wax ku oolka ah ee uu buuxiyey mudane Mursal oo waliba ka gaaray dalkaasi Sweden ilaa iyo heer barasaab gobol.

Nasiino yar kadib oo halkaas lagu casheeyay ayaa waxaa hadalkii si toos ah ula wareegay Mudane Mursal Ciise oo ka sheekeeyay taariikh nololeedkiisii iyo juhdiga uu ku gaaray heerka uu joogo maanta. Waxaa uu Mursal dadkii halkaas isugu yimid ku dhiira galiyey in ay wax ka qabtaan dalkoodii ayna u adeegaan bulshadooda ku firiqsan guud ahaan soomaaliya. Si gaar ahaaneed wuxuu uga hadlay sidii wax looga qaban lahaa baahida xagga biyaha oo runtii uu sheegay haddii aan ummaddu biyo helin in ay noloshoodu ay ciriiri ku jirto.Mursal waxaa uu dadkii halkaas isugu yimid uu la qeybsaday baaritaano xagga biyaha ah ee uu kasoo sameeyay dhulal fara baddan oo dalkeenii ah isagoo halkaas ku soo ogaaday baahida loo qabo biyaha. Sidoo kale wuxuu dadka ku baraarujiyey in aad wax looga qabta waxbarashada dhallaankeena iyo waliba caafimaadka.

Ugu danbeyntii waxaa halkaas mudanaha lagu weydiiyey su’aalo fara baddan iyadoo waliba aad looga maqsuuday qaabkuu uga jawaabay iyo sida uu bulshada u qanciyeyba. Xafladda waxaa xiriirinayey Siciid Cismaan oo ka mid ahaa guddigii soo qabanqaabiyey xafladda.
Waxaa sidoo kale halkaas looga tacsiyadeeyay dadkii lagu xasuuqay qaraxyadii ka dhacay hotel central ee magaalada muqudisho iyadoo si gaar ah loogu tacsiyadeeyay Allaha u naxariistee marxuum Cabdishakuur Mire Aadan.
Waxaan halkan uga mahadcelinaynaa hay’adda Nour foundation oo runtii juhdi fara baddan ku bixisay qabsoomida kulnakan gaar ahaan Siciid Cismaan, Cabdirisaaq beeldaaje iyo waliba gudoomiye Siyaad. Waxaa sidoo kale halkan aan uga mahad celinaynaa gabdhaha reer London oo runtii kaalin lama ilaawaan ah ka qaatay qabanqaabada xafladan. Waxaa sidoo kale loo mahadceliyey dadkii iyagu ka kala yimid Leicester iyo Birminghamba. Waxaa isaguna si gaar ah loogu mahad celiyey caaqil Maxamed xasan oo ka mid ahaa guddigii qabanqaabada xafladda.
Sidoo kale waxaa halkaas lagu iclaamiyey goorta la filayo in uu qabsoomo shirka sanadlaha ah ee Nour Foundation.
Wabilaahi Towfiiq
Iftiinshe Media

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 1

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 2

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 3

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 4

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 5

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 6

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 7

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 8

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 9

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 10

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 11

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 12

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 13

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 14

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 15

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 17

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 18

Image may be NSFW.
Clik here to view.
Mursal 19


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles