Madaxweynsha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheikh Maxamuud oo ka mid ah martida ay Dowlada Itoobiya ku casuntey Xaflada loogu dabaal dagayo 40 sano guurada aasaaskii ururka Talada Dalkaas haya ee Tigray People’s Liberation Front (TPLF) oo ka dhacdey Magaalada Mekele.
Madaxweyne Xasan oo khudbad ka jeediyey munaasabada ayaa yiri “’Maanta waa maalin weyn oo aad u qiimo badan. Ururka TPLF taariikh muhiim ah ayuu qoray. TPLF iyo EPRDF waxay qaadeen talaabooyin ay isbeddelo wax ku ool ah uga dhalinayaan Ethiopia, taas ayaana keentay inay dhisanto Ethiopia cusub oo ay mudan tahay inay ku daydaan dalalka kale ee Afrika si loo higsado horumar dhan kasta ah oo qaaradda ay gaarto’’.
Dhinaca kalane Madaxweynuhu wuxuu Xaflada ka hor kulan ku saabsan Soomaaliya uu la qaatey Raysal wasaaraha Itoobiya Haile Mariam Desalegn.