Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey Wakiilka uga ah Arimaha Soomaaliya Mudane Nickolas Kay oo booqasho ku jooga Dalka Qatar ayaa wuxuu la kulmey Wasiirka Arimaha Dibada Qatar Dr. Khalid Bin Mohammed AlAttiyah, Kulanka oo ka dhacay Magaalada Doha ayaa waxaa laga wada hadley Arimaha Soomaaliya.
Raysal Wasaaraha Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirshiid ayaa isna booqan lahaa Doha 14 kii bishan oo sabtidii ahayd laakiin waxaa dib u dhigey Geeridii ku timid Alla ha naxariistee Raysal Wasaaraha Hpoyadiis, Walina lama shaacin xiliga laga dhigey Booqashada Raysal wasaaraha ee Qatar inkastoo ay hada ka socoto Magaalada Doxa qaban qaabada soo dhaweynta Raysal wasaaraha.
Nickolas Kay oo qayb ka ahaa booqashada Raysal wasaaruhu booqn doono Qatar ayas iminka isagu wuxuu jooga Qatar, wu uuna kulamo ku saabsan Arimaha Soomaaliya uu la yeelanayaa Masuuliyiinta Dalka Qatar.
Kulankii shalay oo axad ahayd dhex maray Nickolas Kay iyo Wasiirka Arimaha Dibada Qatar ayaa si qodo dheer looga wada hadley Xaalada Soomaaliya.
Puntlandi.com
Muqdisho