Dawladda Puntland waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa Shacabka Soomaaliya gaar ahaan Ehelkii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacabka reer Puntland geeridii ku timid Alla ha u naxariistee Marxuum Xildhibaan Xaaji Cabdi Maxamed Cali ( Xaaji Cabdi yare ).
Alle naxariistiisa jano haka waraabiyee Marxuum Xildhibaan Cabdi Yare wuxuu ka mid ahaa Xildhibaanada Dawladda Federaalka Soomaaliya wuxuuna ku geeriyoodey magaalada Mombasa ee dalka Kenya maanta.
Labada Gole ee Dowlada Puntland waxay ka tacsiyeynayaan Geerida Marxuumka oo ahaa Siyaasi si weyn looga yaqaan Deegaanada Jubaland.
PUNTLANDI.COM
GAROWE