Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Gaas oo ka tacsiyeeyey Geeridii Marxuumad Marwo Ruqiyo Macalin Daahir

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isagoo ku hadlaya Magaciisa, kan labada Gole iyo kan shacabka Puntland wuxuu tacsi tiiraanyo xambaarsan u diray Raysal wasaare cumar Cabdirshiid geerida ku timid hooyadiis Marxuumad Ruqiyo Macalin Daahir oo xalay ku geeriyootay Dalka Kanada.

Madaxweynuhu wuxuu kaloo tacsi u direy guud ahaan Shacabka Soomaaliyeed geerida ku timid Marxuumada oo ahayd Marwadii kowaad ee Qaranka Soomaaliyeed, Xaaskii Madaxweyne Cabdirshiid Cali Sharmaake.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale wuxuu tacsi Qaran u direy Qoyskii, Ehelkii iyo Caruurtii ay Marxuumadu ka tagtay, Wuxuuna Illaahay uga baryayaa Marxuumada Jano waarta iyo dambi dhaaf.

Aaamiin Aaamiin Aaamiin.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles