Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Madaxweyne Xasan Sheikh oo gaarey Dhuusamareeb

$
0
0

Madaxweynaha Dowlada Federaalka Soomaaliya Xasan Shiekh Maxamuud iyo Wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey Magaalada Duusamareeb ee Gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha waxaa wehliya Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Wasiirka Qorsheynta Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen iyo Cabdiraxmaan Yuusf Caynte, mas’uuliyiin, xildhibaano iyo siyaasiyiin kale.

Socdaalka Madaxweynaha waxaa uu la xiriiraa u kuurgelidda xaaladaha siyaasadda, nabadgelyada iyo arimaha bulshada ee Deegaanka Gobolka Galgaduud.

Safarka Madaxweynaha ayaa kusoo beegmaya ka dib markii ay maanta Dagaalo ka dhaceen Gobolka Dagaalkasoo u dhexeeya Maleeshiyo kala taabacsan Dowlada iyo Suna waljameeca, waxaana Dagaalka oo ka dhacey Guriceel uu horseeday in gacan ku haynta Guriceel ay la wareegeen Ehlu-sunna Waljameeca.

Kala soco Puntlandi booqashada Madaxweynaha ee Gobolka Galgaduud.

www.Puntlandi.com.

 


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles