Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Akhriso Warmurtiyeed ka soo Baxay kulankii u socdey Madaxda Dowlada Federaalka iyo Madaxda Dowladaha Puntland, Jubaland iyo Koonfur Galbeed

$
0
0

IB0A4338__2_Shirarkii Muqdisho uga socday Dawlada Federaalka iyo Dawladaha Puntland,Jubbaland iyo Koonfur-galbeed ayaa waxaa kaso baxay Warmurtiyeed ka kooban 12-qodob,kaasi oo ah heshiis rasmi ah oo ay wada gaareen Madaxda shiray.

Heshiiska ayaa u qornaa sidan;-

1-In la abuuro,lana joogteeyo madasha wada tashiga Madaxda sare ee Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah,iyada oo kulanka soo socda lagu heshiiyay in lagu qabto magaalada Garowe Bisha April 2015-ka.

2-Waxaa jiri doona Guddi Farsamo oo ka kooban dhinacyada oo dhan oo u xilsaaran taabagelinta heshiiska.

2-Qorshaha lagu gaarayo Hiigsiga 2016-ka wuxuu noqonayaa mid ay u wada dhan yihiin Dawlada Federaalka iyo Dawladaha xubnaha ka ah.

4-Waa in la dardargaliyaa dhismaha Dawlad Goboleedyada harsan iyo Guddiga Dasuuriga ah ee Madaxa bannaan si loo dhamaystiro hannaanka Federaalka.

5-Waxaa la isku afgartay in la sameeyo Guddi heer Wasiiro ah oo ka kooban Dawlada Federaalka iyo Dawlad Goboleedyada xubnaha ka ah,kaas oo dib u eegis iyo dardargalin ku samayn doona qorshaha Hiigsiga cusub’’New Deal’’,si loo xaqiijiyo in si siman looga wada faa’iidaysto deeqaha Caalamiga ah.

6-Waxaa la isku afgartay in Dawladaha xubnaha ka ah Federaalka ay yeeshaan xafiisyo u xilsaaran isku-dubaridka Deeqaha Caalamiga ah,kaas oo wada shqayn la yeelan doona xafiiska Heer Federaal.

7-Waxaa la isku raacay in si wadajir ah loola dagaalamo Argagixisada,lana qaado talaabo kasta oo Sahlaysa isu-socodka.

8-In la dadajiyo Guddiga Dastuuriga ah ee amniga Qaranka.

9-Inta la gaarayo dhismaha Guddiga amniga Qaranka waxaa la isla gartay in la dhiso Guddi ka kooban DFS iyo Dawladaha xubnaha ka ah oo ka talabixiya qaabka ugu haboon ee la isugu dhafi karo,loona hormarin karo Ciidamada Soomaaliyeed ee Heer Qaran.

10-Waxaa la isku raacay in la meelmariyo dhamaan Heshiisyada la galay.

11-Waxaa la isku raacay in laga wada shaqeeyo sidii loo xoojin lahaa Kalsoonida iyo Midnimada umada Soomaaliyeed,iyada oo laga dheeraanayo wax kasta oo Caqabad ku ah Himiladaas.

12-Madaxda shiray waxay ka mahadceliyeen Kaalmada joogtada ah ee Beesha la garab joogto Soomnaaliya,waxayna ka codsadeen in kaalmadaas la kordhiyo.

www.puntlandi.com.


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles