Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

UNSOM oo Xafiis ka furaynaysa Hargeysa

$
0
0


Xafiiska Qaramada Midoobe u qaabilsan Soomaaliya ayaa dhowaan Xafiis ka furanaya Magaalada Hargeysa ee Gobolka Waqooyi Galbeed ee Maamulka Soomaaliland waxaa sidaas yiri Ergayga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Nickolas Kay.

Maamulka Soomaaliland oo ku andocoonaya ineysan Soomaaliya ka tirsaneyn ayaa horey u diidey in Xafiis uu Nickolas Kay ka furto Hargeysa xili uu Xafiisyo farac u ah UNSOM uu ka furey Baydhabo iyo Kismaayo.

Xafiiska UNSOM ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Arimaha Soomaaliya oo uu hogaansho Nickolas Kay Wakiilka Ergeyga Gaarka ah ee Qaramada Midoobey ayaa Xaruntiisa ugu weyn waxay ku taal Muqdisho halka Xarunta labadna ay ku taal Garowe, hadana Xafiiska Sadexaad waxaa laga dhigayaa magaalada Hargeysa, Laba Xafiis oo yaryar ayaa iyana ka furan Kismaayo iyo Baydhobo, waxaana dhowaan isna xafiis kale laga furayaa Baladweyne.
Hoos ka daawo Shir jaraa’id oo Nickolas kay uu uga hadlayo Xafiiska uu ka furayo Hargeysa.

Sawirkaan hoose waa Xafiiska UNSOM ee Garowe
UNSOM Garowe


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles