Magaalada Muqdisho waxaa ka socda maanta duhurkii ilaa caawa shir albaabadu u xiran yihiin oo u dhexeeya Madaxda ugu Sareysa awooda siyaasada Soomaaliya oo kala ah Madaxweyne Xasan Sheikh, Raysal wasaare Cumar Cabdirshiid, Madaxweyne Cabdiwali Maxamed Cali Gaas, Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam(Axmed Madoobe) iyo Madaxweyne Shariif Xasan Sheikh Aaden.
Shirkaan oo ka socda Magaalada Muqdisho ayaa waxaa looga arinsanayaa Xaalada ay Dowlada Federaalku marayso, aayaha Dalka iyo Hiigsiga Barnaamijka qorsheysnaa ee sanadka 2016-ka.
Kulanka oo saxaafada banaanka laga istaajiyay ayaa wuxuu u dhexeeyaa oo qura shantaan Masuul, waana kulan xasaasi ah sida muuqatana gudoomiyaha Baarlamaanka wuu ka maqan yahay kulanka.
Sida ay Puntlandi xogo hoose ku heleen kulankaan waxaa xiga mid ay wada yeelanayaan Masuuliyiintaan iyo Beesha Caalamka, kulankaan maanta ilaa caawa socdeyna wuxuu hordhac u yahay kan ay Beesha Caalamku goobjooga yihiin oo la qorsheynayo inuu dhaco beri oo khamiisa galinka dambe.
Caawa ayaa la filayaa in uu warmurtiyeed kasoo baxo kulanka u dheexeeya Masuuliyiinta ugu sareeya Soomaaliya.
kala soco Puntlandi wixii kasoo kordha kulanka ka socda Magaalada Muqdisho
Puntlandi.com
Muqdisho