Maamulka Soomaaliland ayaa xalay bilaabey dejinta hub ay dhowaan kala soo degeen dekada Berbera,waxaana xilligii Markabka sida Hubka uu ku xirtay Dekeda ay Maamulak Hargaysa sheegeen in aysan iyagu lahayn balse ay qabteen.
Sida aan warka ku helney hubka waxaa hada laga saarey dekada Berbera waxaana la wareegey ciidanka Soomaaliland.
Sida ay Howlwadeenada Puntlandi warar hoose uga heleen dhinaca Hargeysa hubkaan waxaa sii qarsoodi ah ulasoo degay Maamulka Soomaaliland iyadoo ujeedadu ahayd in si qarsoodi ah loosoo dejiyo.
”Waan dajinay hubka,wuxuuna ku jiraa gacantayada”Sidaa waxa yiri Wasiirka Arrimaha gudaha Maamulka Hargaysa Cali Warancade oo la hadlay Saxaafadda.
Hubku markuu dekada kusoo xirtey waxaa ogaa oo qura dad kooban balse waxaa durba suuqa galay warkii laqarinayay ee hubka ku saabsanaa.
Maamulka Hargeysa waxay durba bilaabeen iney Qariyaan hubka ay lasoo degeen waxayna baahiyeen iney qabteen hub sharci daro ugusoo xirtey Dekada.
Hubkan oo ka kooban dhowr tikniko ah oo ay kamid yihiin Hal Kaare, Laba Beebee, Dhowr qori oo culus iyo Gaadiid hubeysan waxaa hada la wareegey Ciidanka Maamulka Soomaaliland.
Dawlada Puntland ayaa todobaadkan sheegtay in Hubka ay laso dageen Maamulka Hargaysa uu liddi ku yahay amaanka Mandaqada Geeska Afrika iyo Cunaqabataynta Hubka ee saaran Soomaaliya,waxaana Puntland ay ka digtay in Hubku uu gacanta u galo ururka Shabaab oo Puntland ay sheegtay inay xiriir dhow la leeyihiin Soomaaliland.
Dowlada Federaalku way ka gaabsadeen iney ka hadlaan hubka ka dagay Soomaaliland.
Puntlandi.com.