Madaxweyne Xigeenka Dowlada Puntland Mudane Cabdixakiim Cabdullahi Camey ayaa sheegey in ay Puntland marnaba aqbalayn Maamul Goboleed ka hor imaanaya Dastuurka isla markaasna Maamulka Gobolada dhexe loo sameynayo la waafajiyo Dastuurka oo oranaya 2 Gobol iyo wixii ka badan ayaa Maamul Goboleed noqon kara.
Madaxweyne Camey oo Waraysi siiyay Golaha 88 ee khadka teleefoonka ayaa ku dheeraadey Muumul u sameynta Gobolada dhexe iyo Saameynta ay Puntland ku yeelan karto wuxuuna Madaxweyne Camey hoosta ka Xariiqey ineysan sinaba u jirin walwal Puntland ka haya arintaas oo ay puntland diyaar u tahay iney soo dhaweyso Maamul walba oo cusub laakiin marnaba Puntkand diyaar uma ahan in Dastuurka lagu xadgudbo.
Madaxweyne Xigeenku mar uu ka hadlayay Safarkiisii Gobolka Ceyn wuxuu yiri “Gobolka si wanaagsan baa nslookusoo dhaweeyey, Mashaariic aan horey u hirgaliney Waan soo furey kuwo kaloo badana waan soo dhagax dhigney waxayna dhamaanayaan sanadkaan 2015, waadna arki doontaan markay dhamaadaan.”
HOOS KA DHAGAYSO WARAYSIGA
www.puntlandi.com.