Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

(Sawirro) Madaxweynaha dalka Turkiga Erdogan oo si weyn loogusoo dhaweeyay Muqdisho xarigana ka jaray dhismaha garoonka diyaaradaha Muqdisho.

$
0
0

(Pi Muqdisho) Madaxweynaha wadanka Turkiga Recep Tayyib Erdogan ayaa goor dhowayd soo gaaray magaalada Muqdisho, halkaas oo loogu sameeyay soo dhaweyn ballaaran.

Madaxweyne Erdogan oo ay wehlisay xaaskiisa iyo mas’uuliyiinta katirsan Xukuumadiisa ayaa diyaarad qaas ah oo waday waxay kasoo dagtay garoonka diyaaradaha, Waxaana soo dhaweyn ballaaran u sameeyay madaxweynha dowlada federalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud.

Erdogan ayaa imaatinkiisa kadib wuxuu xariga ka jaray dhismaha cusub ee terminalka garoonka diyaaradaha Muqdisho oo uu Turkiga dib u habayn xoogan ku sameeyay.

Ammaanka ayaa aad loo adkeeyay, Waxaana gabi ahaanba xiran wadooyinka Muqdisho halkaas oo lagusoo daadiyay ciidamo katirsan kuwo Midowga Afrika Amisom.

Madaxweynaha dalka Turkiga ayaa sidoo kale tagidoona isbitaalka Digfeer si uu xariga uga jaro isbitaalkaas oo kamid ah mashaariicyada wadankiisa ka fuliyay Muqdisho.

Garoonka Diyaaradaha Aaden Cade International oo ay bilahaan dambe dib u dhis cusub ay ka wadey Dowlada Turkiga ayaa la rajaynayaa in maanta Xariga laga jaro.

Terminaalka Garoonka ayaa gabi ahaan la burburiyey waxaana laga dhisey Terminaal cusub oo aad u wayn isla markaasna si casriyeysan oo qurux badan loo dhisey.

Dhinaca kalane Wadada laamiga ah ee Diyaaraduhu ku ordaan markay soo dagayaan iyo markay duulayan oo sharciga caalamiga ah u ahayd wado la aqoonsan yahay ayaa burbur iyo dayac ka muuqdey dagaaladii sokeeye awgeed, inkastoo dhowr jeer la dayac tirey, lhadana dowlada Turkiga ayaa hadda si rasmi ah u yac tirtey, Waxayna korka ka saareen laami iyo calaamadihii Garoomada lagu yaqiiney.

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta soo gaarey Muqdisho si uu xariga uga jaro Garoonka Diyaaradaha. Madaxweynaha Turkigu wuxuu kaloo maanta xariga ka jari doonaa Isbitaalka Dogfeer oo iminka loo bixiyey looguna magac darey Madaxweynaha Turkiga laftiisa

Sawiro hordhac ah hoos ka eeg

rajab_2 rajab_3 rajab_4 rajab_5

 

rajab_1

Sawiradaana waa Terminalka cusub ee Aaden Cade International

78xage_maraa_airbortka_3
adancade_1


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles