Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Daawo sidii Boqor Burhaan Boqor Muuse loogusoo dhaweeyey Stockholm Sweden

$
0
0

Xaflad si heer sare ah loo soo agaasimey ayaa habeenimadii Salaasada ka dhacdey caasimadda dalka Sweden ee Stockholm. Xafladdan ayaa ahayd mid bulshada Soomaaliyeed ku soo dhaweynayeen Boqor Burhaan Boqor Muuse oo isagu booqasho ku maraayey qaar kamid ah dalalka Yurub.

Xafladda ayaa ka dhacdey Dhismaha caanka ah ee Prince Place, waxaana ka soo qaybgalay dhamaan qaybaha bulshada Soomaaliyeed, Odoyaasha dhaqanka, Culimada, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhalinyarada, kuwaas oo kor dhaafaya boqolaal qof.

Xafladda soo dhaweynta Boqor Burhaan Boqor Muuse ayaa waxaa xiriirinaayey Xuseen Daahir Derbi, waxaana ugu horeyntii lagu furey, aayadaha qur’aanka kariimka ah oo uu akhriyey Maxamed Axmed Ciise.

Raage Cabdiraxmaan oo ku hadlaayey magaca guddiga qaban-qaabadda xafladda ayaa marti sharaftii ka soo qaybgaley ku soo dhaweeyey xafladda waxaana uu ka sheekeeyey muhimadda xafladda, in bulshada Soomaaliyeed ee ku dhaqan caasimadda Sweden iyo nawaaxigeeda ay sharaf u tahay in ay Boqor Burhaan Boqor Muuse ay ku soo dhaweeyaan xaflad caynkan oo kale ah, maadaama Boqorku uu ahaa shakhsi ka mid ah haddana loo caleema saarey Boqor taas oo ah nasiib ay yeesheen reer Sweden.

Ma ahan mid qoraal lagu soo koobi karo odoyaashii, aqoonyahankii iyo ikhyaartii sharafta lahayd ee ka hadley munaasabadda waxaana dhamaantood isku raaceen sida ay maqsuud uga ahaayeen caleema saarkii ka dhacay Qardho 25 bishii May2014, taas oo lagu caleema saarey Boqor Burhaan Boqor Muuse, waxaana ay Boqorka u ballan qaadeen in ay ka qayb-qaadanayaan dedaalka uu wado ee ah in Bulshada Soomaaliyeed gacmaha is qabsadaan, is cafiyaan dalkoodana dib u wada dhistaan iyaga oo wada jira.

Waxaa kamid ahaa duqeydii iyo akhyratii ka hadley madasha:

1. Raage Cabdiraxmaan oo ku hadley magaca munaasabadda iyo guddiga qaban-qaabada
2. Cabdulqaadir Siciid Shiino (Warbixnta Boqorka, kana mid ah wefdiga Boqorka
3. Dr. Khaliif Bile
4. Cilmi Degel
5. Maxamed Shiikh Daahir
6. Maxamed Mukhtaar
7. Sh. Bashiir Amaan Cali
8. Axmed Saleebaan Xasan
9. Axmed Jaamac Xasan
10. Ciise Shiikh Ismaaciil
11. Cabdullaahi Cali Muuse
12. Cabdalla Afrax
13. Abwaan Khaliif Faarax Xayir
14. Shiikh Cabdicasiis Macalim
15. Maxamed Garaad Saalax
16. Prof. Siciid Saalax
17. Matts Holmberg oo ka socdey maamulka Stockholm
18. Cawed Xirsi Guddooiyaha xaafadda Spånga

Ugu danbeyntii waxaa xafladda soo xirey Boqor Burhaan Boqor Muuse oo ka jeediyey khudbad aad u qiime badan.

Boqorka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey sida sharafta leh ee Bulshada Sweden u so dhaweeyeen isaga oo iyaga kamid ah, sidoo kale waxaa Boqorku aad uga mahadceliyey ballanta shacabka Soomaaliyeed ee Sweden ay u ballan qaadeen in ay kala shaqeeyaan adkeynta walaalnimadda umadda Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan ayaa sidoo kale uga mahad celiyey Dowladda Sweden sida ay bulshada Soomaaliyeed dalkooda ugu soo dhaweeyeen isla markaana ugu suurta geliyeen fursadaha waxbarasho iyo shaqo, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ku dhiiri geliyey

Boqorka ayaa ugu horeyn ka mahad celiyey sida sharafta leh ee Bulshada Sweden u so dhaweeyeen isaga oo iyaga kamid ah, sidoo kale waxaa Boqorku aad uga mahadceliyey ballanta shacabka Soomaaliyeed ee Sweden ay u ballan qaadeen in ay kala shaqeeyaan adkeynta walaalnimadda umadda Soomaaliyeed.

Boqor Burhaan ayaa sidoo kale uga mahad celiyey Dowladda Sweden sida ay bulshada Soomaaliyeed dalkooda ugu soo dhaweeyeen isla markaana ugu suurta geliyeen fursadaha waxbarasho iyo shaqo, waxaana uu bulshada Soomaaliyeed ku dhiiri geliyey in ay si wanaagsan uga faa’ideystaan fursadaha in ay ka qayb-qaataan dib u dhiska dalkii hooyo.

Ugu danbeyntii Boqorka ayaa u duceeyey dhamaan bulshada Soomaaliyeed, waxaana uu rabbi uga baryey in dadka Soomaaliyeed noqdaan kuwo gacmaha is qabsada adkeysta midnimadooda iyo qaranimadooda.

Xafladda ayaa jawi wanaagsan ku soo dhamaatey waxaana guddiga qabanqaabadu ahaayeen:

Xiiririyaha Xuseen Daahir Derbi
Guddoomiyaha guddiga qabanqaabada: Raage Cabdiraxmaan
Jaamac Muumin Cumar
Cali Daahir Xaaji Maxamuud
Cabdillaahi Ciise Seeraar
Cabdiwaajid Faarax Ciise
Aadam Xaashi (X)
Cabdiraxmaan Axmed Faatax
Inj. Cabdirashiid Axmed Ismaaciil
Maxamed Shiikh Daahir
Cabdulqaadir Maxamed Faarax (Bismileyste)
Cadde Faarax Ciise
Cabdinaasir Huruuse
Dr Saadiq Maxamed Xaaji Nuur
Maxamed Ibraahim Guuleed
Maxamed Siciid Muuse

Waxaa Puntlandi usoo diyaariyey
Waxaa diyaariyey:
Axmed Cabdullaahi
Stockholm, Sweden

boqor_burhaan_sweden (1)boqor_burhaan_sweden (3)

boqor_burhaan_sweden (4)

boqor_burhaan_sweden (5)

boqor_burhaan_sweden (6)

boqor_burhaan_sweden (7)

boqor_burhaan_sweden (8)

boqor_burhaan_sweden (9)

boqor_burhaan_sweden (10)

boqor_burhaan_sweden (11)

boqor_burhaan_sweden (13)

boqor_burhaan_sweden (14)

boqor_burhaan_sweden (15)

boqor_burhaan_sweden (16)

boqor_burhaan_sweden (17)

boqor_burhaan_sweden (18)

boqor_burhaan_sweden (19)

boqor_burhaan_sweden (21)

boqor_burhaan_sweden (22)

boqor_burhaan_sweden (23)

boqor_burhaan_sweden (24)

boqor_burhaan_sweden (25)

boqor_burhaan_sweden (26)

boqor_burhaan_sweden (27)

boqor_burhaan_sweden (28)

boqor_burhaan_sweden (29)

boqor_burhaan_sweden (30)

boqor_burhaan_sweden (31)

boqor_burhaan_sweden (32)

boqor_burhaan_sweden (33)

boqor_burhaan_sweden (34)

boqor_burhaan_sweden (35)

boqor_burhaan_sweden (36)

boqor_burhaan_sweden (37)

boqor_burhaan_sweden (38)

boqor_burhaan_sweden (39)

boqor_burhaan_sweden (40)

boqor_burhaan_sweden (41)

boqor_burhaan_sweden (42)

boqor_burhaan_sweden (43)

boqor_burhaan_sweden (44)

boqor_burhaan_sweden (45)

boqor_burhaan_sweden (46)

boqor_burhaan_sweden (47)

boqor_burhaan_sweden (48)

boqor_burhaan_sweden (49)

boqor_burhaan_sweden (50)

boqor_burhaan_sweden (51)

boqor_burhaan_sweden (52)

boqor_burhaan_sweden (53)

boqor_burhaan_sweden (54)

boqor_burhaan_sweden (55)

boqor_burhaan_sweden (56)

boqor_burhaan_sweden (57)

boqor_burhaan_sweden (58)

boqor_burhaan_sweden (59)

boqor_burhaan_sweden (60)

boqor_burhaan_sweden (61)

boqor_burhaan_sweden (62)

boqor_burhaan_sweden (63)

boqor_burhaan_sweden (64)

boqor_burhaan_sweden (65)

boqor_burhaan_sweden (66)

boqor_burhaan_sweden (67)

boqor_burhaan_sweden (68)

boqor_burhaan_sweden (69)

boqor_burhaan_sweden (70)

boqor_burhaan_sweden (71)

boqor_burhaan_sweden (72)

boqor_burhaan_sweden (73)

boqor_burhaan_sweden (74)

boqor_burhaan_sweden (75)

boqor_burhaan_sweden (76)

boqor_burhaan_sweden (77)

boqor_burhaan_sweden (78)

boqor_burhaan_sweden (79)

boqor_burhaan_sweden (80)

boqor_burhaan_sweden (82)


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles