Sida aan Wararka ku helæeyno Waxaa xaafada Yaaqshid ku geeriyoodey Dad rayid ah oo ku sumoobey biyo ay cabeen , Dadka geeriyoodey ayaa gaaraya 8 Qof halka uguyaraan 57 Qof oo kale oo iyana ku sumoobay biyaas hada lagu daweynayo isbitaalka.
Dadka sumoobey ayaa waxay ka biyo cabeen Ceel ku yaal isla xaafada oo loo badinayo in sun lagu shubey,Lama oga sida Ceelka ay suntu ku gaartay, isla markaasna lama oga in sumayntu ay ahayd ula kac iyo in kale balse baaris ayaa socota.
Falkaan ayaa wuxuu ka dhacay x*aafada Juungal ee degmada Yaaqshid magaalada Muqdisho, Waxaa hada lala tacaalayaa dadka Sumeysan ee isbitaalada la geeyey, qaarkood ayaa xaaladoodu aad u cakirantahay sababtoo ah lama yaqaan suntu nooca ay tahay iyo Dawooyinka looga hortagi karo si dadkaas loo badbaadiyo.
wixii faahfaahin ah ee kasoo baxa kale soco Wararkayaga dambe.
Puntlandi.com
Muqdisho