Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

War Deg Deg ah– Mooshinkii ka dhanka ahaa RW Cabdiwali oo qarka usaaran in Qashinka lagu daro, Burbur xoogan oo ka dhextaagan Xildhibaanadii Mooshinka waday

$
0
0

breaking news
Sida wararka ay ku heleen Howlwadeenada Puntlandi waxaa burbur ku dhow Mooshinkii la damacsanaa in lagu rido Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali Sheikh Axmed kadib markii kala yaac soo kala dhex galay Xildhibaanadii Mooshinka waday.

Wararka aan heleyno waxay sheegayaan in tirada Xildhibaanada u codeynaya Mooshinka ay hada aad hoos ugu dheceen tasoo sababtu tahay kala shaki soo kala dhexgalay Xildhibaanada mooshinka wadey.

Maalmihii lasoo dhaafey ayaa qaar badan ay isu dhiibeen Xildhibaanadii diidanaa mooshinka.

Waxaa hada socda kulamo goosgoos ah oo ay yeelanayaan Xildhibaanadii Mooshinka wadey waxayna hada raadinayaan sidii ay uga laaban lahaayeen Mooshinka intaan Baarlamaanka la horkeenin.

Sida ay Puntlandi warka ku heleen Xafiiska Madaxweynaha ayaa waxaa hada soo foodsaarey culeys weyn oo ay ka baqayaan in Mooshinka looga guuleysto waxayna hada wadaan olole ay ku joojinayaan Mooshinka.

Maxaa sababay in Mooshinka ay ka laabtaan Villa Soomaaliya

Hadii Mooshinka la keeno Baarlamaanka oo Raysal wasaaruhuna uu helo Kalsoonida Xildhibaanada waxay jahawareer iyo dhabar jab ku noqoneysaa Madaxweyne Xasan Sheikh oo laba midkood ay soo foodsaareyso, labadaasoo ah 1- Inuu Madaxweynuuu uu la shaqeeyo Raysal wasaaraha iyo 2 oo ah inuu Madaxweynuhu iscasilo sidaasna isula dhacaan isaga iyo Raysal wasaaraha.

Labadaan qodob ayaa ah tan hada keentey in ay ka laabtaan mooshinka si kooxda Madaxweynuhu ay u helaan wakhti dheeraada marlabaad usoo abaabulaan mooshinka.

PUNTLANDI.COM
POST@PUNTLANDI.CON


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles