Jaaliyada Puntland ee Oslo ayaa xaflada soo dhaweyna waxay u sameeyeen Wakiilka Cusub ee Dowlada Puntland usoo dirsatey Norway Dr. Cabdi rabi maxamed Kilwe fadhigiisuna noqon doono Caasimada Norway ee Oslo.
Xaflada ayaa waxaa hadalo dhaxal gal ah ka so jeediyey Aqoonyahano siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo dumarba ku waasoo hoosta ka xariiqay in loo istaago sidii loo horumarin lahaa deegaanadaas isla markaasna gacan looga geysan lahaa,
Waxaa Xaflada furey khudbadna ka jeediyey Gudoomiyaha Jaaliyada Puntland ee Norway Mudane Ing. Maxamuud Xuseen Aaden ( Ing. Buraale).
Agaasimaha madaxtooyada Puntland Deeq yusuf ayaa khadka Teleefoonka uga qayb galay Xafladasaga oo ku sugan Garoowe.
Ugu danbeyntii waxaa goobtaas hadal dheer ka soo jeedshay wakiilka Puntland Cabdi Maxamed Kilwe oo sheegay in uu ka shaqeyn doono isku xirka qurbe joogta iyo Puntland sidoo kalana kaalin muuqata ka geysan doonaan horumarinta Puntland.
Wakiil Cabdirabi maxamed Kilwe oo Dowlada Puntland usoo magacawdey Wadamada Norway ayaa Puntland wakiil uga noqon doona wadanka Norway wuxuuna u shaqaynayaa sidii Ambasador wadan soo dirsadey, waxaa kaloo shaqadiisa kamid noqonaysa iyadoo Masuuliyiinta Jaaliyadaha Wadanka ay sitoosa u hoos imaan doonaan wakiilka oo fadhigiisu yahay Oslo.