Quantcast
Channel: admin
Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Ogaysiis: Dhamaan faracyada Gollaha Qurbajoogta Puntland Puntland Diaspora Forum (PDF)

$
0
0

www.puntlanddiaspora.org                                    2013conference@puntlanddiaspora.org

August 12th, 2013

Waxaan dhamaan faracyada Gollaha PDF ee Caalamka ee ka dhisan dalalka caalamka, madaxda iyo xubnaha ururka iyo faracyadiisa ku wargelinaynaa in shirweynihii ururka ee sanadlaha ahaa uu sanadkan 2013 ka dhici doono magaalada Minneapolis ee cariga Maraykanka.  Shirkaasi oo ka koobnaan doona dhowr qaybood oo kala ah sida:

Sabtiga Galinkeeda hore – 31st  August, 2013  Kulankii sanadlaha ahaa ee guddiga guud ee ururka PDF, madaxda faracyada iyo xubnaha ururka (General Annual Meeting of PDF).  Halkaas oo lagu soo bandhigo doono waxqabadka ururka ee sanadkii tagay, laga doodi doono dib u habaynta lagu sameeyay axdiga ururka,  laguna dooran doono madaxdii ururka hogaanka u qaban lahayd labada sano ee soo socota.  Kulankan waxaa ka qaybgeli kara oo qudha, xubnaha ururka iyo ergada faracyada ka wakiilka ah.

Sabtiga Galinkeeda Danbe – 31st August, 2013  Waxaa dhici doona shirka Haweenka Puntland, halkaas oo marti sharaf iyo aqoonyahan kakala yimid aduunka dacaladiisa ay uga doodi doonaan iskuna waydaarsan doonaan doorka Haweenka Puntland ee ku aadan, dhismaha nabada, cadaalada iyo horumarka.  Dhamaan dadka oo dhan ayaa ka soo qaybgeli kara kulanka.  Isniinta Maalinta oo dhan – 1st September, 2013  Maalintan waxaa dhici doona shirweynihii sanadka, waxaana halkaasi ka hadli doona madax sare ee ka socoto maamulka Puntland, madaxda ururada aan dowliga ahayn, aqoonyahano iyo indheergarad kale oo ka kala yimid duni dacaladeeda.

Sadexda mowduuc ee maalintaasi looga hadli doonana waa:     

Muhiimada Federaalku uu leeyahay 

 Doorka Qurbajoogta iyo dib u dhiska dalka 

Punland shalay, maanta iyo beri

Sidaa awgeed ,dhamaan faracyada ururka waxaan ku wargelinaynaa inay ergooyin u soo dirsadaan shirweynaha ururka si ay goo’aamada, jihada iyo agendayaasha dhow ee Gollaha talo ugu yeeshaan.

Wixii faahfaahin ah  riix halkaan

Ama 

waxaad nagala soo xiriir kartaan

 2013conference@puntlanddiaspora.org 

Chapters Committee

Puntland Diaspora Forum


Viewing all articles
Browse latest Browse all 3508

Trending Articles