Kulan ay galabta isugu yimaadeen Xildhibaanada waday mooshinka ayaa ku dhamaadey Buuq iyo Gacan ka hadal ka dib markii kalashaki soo kala dhexgalay Xildhibaanada dhexdooda.
Xildhibaan Cali Ganay iyo Xildhibaan Cabdirshiid Xidig ayaa lagu kala jiidey goobta kadib markii uu koox Xildhibaan Xidig ka mid yahay lagu eedeeyey iney gacansaar hoose la leeyihiin Xerada Raysal wasaaraha ayna wax lawadaan Xildhibaanada kasoo horjeeda Mooshinka.
Wararka ay Puntlandi helayaan waxay sheegayaan in Xilhibaanada Mooshinka wada uu kalashaki xoogan soo kala dhexgalay kaasoo yimid kadib markii si lama filaan ah ay Xildhibaanadii difaacayay Raysal wasaaraha ay ogolaadeen in Codka kalsoonida looqaado Xukuumada.
Maanta ayaa lashaaciyey in Xildhibaanadii kasoo jor jeedey Mooshinka ay ogolaadeen Mooshinkii sidaasna todobaadka soo socda codka kalsoonida loogu qaadi doono Xukuumada Raysal wasaare Cabdiwali
Puntlandi.com
Muqdisho