Warar hoose oo Puntlsndi heleen ayaa sheegaya in Beesha Caalamku ay goor dhaweyd lasoo xiriireen Jawaari iyagoo u sheegey inuusan mardambe Mooshinka ogalaan karin in Baarlamaanka la keeno ilaa Xildhibaada dhexdoodu iska afgaranayaan.
Wararka aan helney waxay sheegayaan in ay kordheen Xildhibaanada diidan Mooshinka tasoo keentey in Beesha Caalamku ay soo fara galiyeen.
Waxaa Jawaari si cad loogu sheegey in qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira Villa Soomaaliya iyo kan ka jira Baarlamaanka ay isku xiran yihuin. Taasina ay curyaamisey shaqooyinkii Dowliga ahaa.
Goor dhow ayaa la filyaa inuu hadlo jawaari.
Puntlandi
Post@puntlandi.com